Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
Gudoomiyaha garabka siyaasadda ee Xisbiga Udub oo warsaxaafadeed kasoo saaray kulamo uu la yeeshay madaxsare
Posted: 2/2/2010 7:52:00 PM
Baadiye: HARGEYESA

Waxan kula kulmay dhowaan Dalka Ethiopia Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arrimaha Dibada Dr, Tekeda Alemu,. Waxan uga mahad celiyey  doorkii ay ka qaateen xalinta khilaafkii siyaasadeed ee xisbiyada dalka ee doorashada madaxtooyada ee dib u dhacday iyo sida ay u danaynayeen xasiloonida Somaliland inaanay khatar gelin. iyadoo aanu ka wada hadalay xidhiidhka labada dal iyo sii xoojintiisa iyo iskaashiga dhinacyada siyaasada iyo nabad gelyada.

Dr. Tekeda Alemu waxu iiga waramay walaaca beesha caalamku ka qabto xasiloonida gobolka iyo in lala sameeyo iskaashi buuxa dhinaca xoojinta nabad gelyada iyo xasiloonida ee Somaliland. Dr. Tekeda Alemu waxu xusay khudbadii u danbaysay ee golaha ammaanka in Xoghayaha guud ee qaramada midoobay warbixintiisii ugu danbaysay ku xusay inaan indhaha laga qarsan Karin xasiloonida ka jirta Somaliland, gacana lagu siiyo xaqiijinta amnigeeda iyo xasiloonideeda.

Dr. Alemu waxu sheegay inay ka shaqaynayaan sidii Somaliland looga qayb gelin lahaa shirarka caalamiga ah iyo iskaashiga gobolka oo ay ka noqoto xubin buuxda. Xasiloonida Ethiopia, Djibouti iyo Gacanka cadmaeed waxay ku xidhan tahay nabad gelyada iyo xasiloonida Somaliland. Nabad ku naaloon maynu haddii aanaan taageerin xasiloonida iyo qadiyada Somaliland.

 

Waxan kale oo aan kula kulmay Magaalada Addis Ababa, Safiir ku xigeenka Dawladda Ingiriiska u jooga Ethiopia, H. E Mr. John Marshall, waxanu ka wada hadalay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Doorashooyinka, Xasiloonida iyo iskaashiga labada dal. Waxan u xaqiijiyey  inaanu waqtiga doorashada ka sugeyno GDQ diyaar aanu u nahay doorasho xor ah oo xalaal ahi inay ka qabsoonto dalka waqtiga lagu dhawaaqo doorasho. Waa dhammaatay sheeko danbe oo lagaga hadlo iyo dib u dhaceeda, waxanu ixtiraamaynaa heshiiskii aanu la galay xisbiyada kale ee beesha caalamkuna goob jooga ka ahayd.

Safiirku waxu sheegay marka laga yimaado aqoonsi caalami ah dawlado badani waxay Somaliland u arkaan dawlad jirta, oo maamusha xuduudaheeda, waxa Somaliland ka jira dawlad iyo maamul wanaagsan. Safiirku waxu sheegay inay Somaliland la lee yihiin xidhiidh wanaagsan lana lee yihiin iskaashi dhinaca nabad gelyada iyo dhinaca horumrintaba ah xoojinta dimoqraadiyadaba.  Waxanu safiirka isla qaadanay inaan beesha caalamku aqbalayn dib u dhac danbe oo ku yimaada doorashada Somaliland, marka GDQ waqtiga qabtaan si hufana aanu ula shaqaynayno GDQ. Waanu sii wadaynaa xiidhiidhka iyo iskaashiga aanu la  leenahay Somaliland anagoo kordhin doona caawimada aanu u marino UN, INGO’s and EU. Waxu kaloo xusay safiirku inay sii kordhinayaan kaalmadooda doorashada ka dib.

Waxa nasiib darro ah in qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradku ka shaqeeyaan markay dibada u baxaan inay beesha caalamka u sheegaan  warar ka fog xaqiiqada sida inay u sheegaan dhowaan kulmo ka dhacay Ethiopia in qaraxyada ka dhaca Somaliland ay ka danbayso xukuumadu, wararkaas oo ah kuwa ay kaga hadlaan mafrashyada qaadka oo ay la tagaan  marka ay la kulmayaan dawladaha jaarka ah. Waa nasiib darro arrintaasi, waxan mucaaradka u soo jeedin lahaa inaynu u tartamayno sidii Somaliland aan qadiyadeena uga iibin lahayn caalamka mase aha inaynu fagaarayaasha la tagno waxa aynu halkan kaga wada hadalo. Waxan u soo jeedinayaa inaynu meel iska dhigno ku jiqsiida, aynuna barano in lala shaqeeyo maalinba cidda xilka qaranka haysa.

Ilaahay ha ina waafajiyo talada toosan, Somaliland ha noolaato.

 

Cumar Jaamac Faarax

Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasada Ee Xisbiga UDUB

 


Daawo Sawirada

Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival