Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
Eedaysanayaal loo haysto dilka taliihii qaybta 12aad ee dhawaan lagu dilay laascaanood oo Barbara loosoo wareejiyey
Posted: 2/5/2010 8:24:00 AM
Baadiye: HORYAAL
koox eedaysaneyaal loo haysto kiiska dilka Taliyihii qaybta 12aad ee Ciidanka qaranka ee horaantii November lagu dilay Laascaanood, ayaa la sheegay in shalay loo wareejiyay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Siday xalay faafisay idaacadda Horyaal, Maxaabiistan oo 11 qof ka kooban, waxaa ka mid ah Taliyaha Sirdoonk qaranka ee gobolka Sool Cabdifataax Muuse Yuusuf oo ka mid ah dadka loo haysto dilka Taliyahaas.

Warku wuxuu intaa ku daray, in Xukuumaddu olole u gashay sidii Maxaabiistaa looga soo wareejin lahaa magaalada Laascaanood, ka dib markii hoggaanka Ciidanka iyo ehelada Taliyihii la dilay ay diideen in meel aan Laascaanood ahayn lagu Maxkamaddeeyo eedaysanayaashaas.

Ilaa hadda ma cadda sababta keentay in Maxaabiistaas loo wareejiyo magaalo-xeebeedda Berbera, looguna Maxkamaddayn waayay magaalada falka dembiyeedkaasi ka dhacay ee Laascaanood.

Dhinaca kale, magaalada waxa weli ku sugan magaalada Laascaanood wefti Wasiiro ah oo Xukuumadda ka tirsan, kuwaasoo muddo todobaad ka badan joogay gobolkaas.
Isgaadhsiinta magaalada Laascaanood ayaa todobaadkan oo dhan go’an, ka dib markii Xukuumadda Somaliland Shirkaddaha Isgaadhsiinta ee ka hawlgala ku amartay inay demiyaan khadadka telefoonada gacanta ee Mobile-ka iyo Internet-ka.

Weftigan Xukuumadda ka socda ee socdaalka u jooga Laascaanood oo uu ka mid yahay Wasiirka Daakhiliga, waxay sheegeen inay degaankaas u joogaan hawlo wax lagaga qabanayo dhinaca amaanka, ka dib markii muddooyinkii u dambeeyay qaraxyo khasaare dhaliyay ka dhaceen magaaladaas. Weftigu intii uu joogay halkaas, waxa uu kulamo la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka gobolka Sool.
saleban sahal 
salosahal@hotmail.com


Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival