Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
110 ARDAY OO SHAHAADOYIN LAGU GUDDONSIIYEY HOOLKA JAAMACADDA BURCO.Mustafe Cabdiraxmaan Burco
Posted: 2/5/2010 3:21:00 PM
Baadiye: BURCO

 
waxa Hoolka Jaamacadda Burco maanta lagu qabtay Xaflad shahaadoyin lagu guddonsiinayay 110 arday oo ka qalinjebisay IT ga iyo luqadaha.
 
Xafladdan Ballaadhan ee ka dhacday hoolka jaamacadda Burco oo ay ka soo qaybgaleen Badhasaab Xigeenka Gobolka Tog-dheer, Guddomiyaha Jaamacadda Burco, Maamulaha Jaamacadda Qaybta Centerka ee Lagu Barto IT ga iyo Luqadaha . masuuliyiin sarsare oo ka socotay Wasaradda Waxbrashada, Waalidiin iyo marti sharaf kale oo badan.
 
Hadaba waxa ugu horayn xafladda ka hadlay Badhasaab ku xigeenka Gobolka Togdheer Mr.Guuleed Daahir Samatar ayaa ka sheekeeyey faa'iidada ay leedahay waxbarashadu, waxaanu yidhi mar uu arrimahaasi ka hadlayay "Aduunka waxa ugu qaalisan ee la bartaa waa Cilmiga waxa ugu xun ee laga cararaana waa jabhliga, markaa waxa la idiinka baahan yahay ardaydiina dhamaysatay koorosyadan waxbarasho ee kala duwan sidii la idiinku tabcay in aad aqoontiina ugu faa'iidaysaan dadkiina oo aad noqotaan kuwo Dalkooda iyo Dadkoodaba ku anfaca".

Badhasaab xigeenka ayaa ka hadlay  Tahriibta iyo shaqo la'aanta jirta: "Waynu ka warhaynaa iyadoo ay shaqooyinka Gobolka ka jiraa ay yar yihiin in haddana ay jiraan Dad Dhalinyarada ku wacyigaliya in ay Tahriibaan. Dadka arimaha noocaas ah wada waxa la idiinka baahan yahay haddii aad tihiin ardayda iyo waalidiintaba in aad la dagaalantaan.
Shaqo la'aanta Gobolka ka jirtana waxaan leeyahay Shirkadaha Burco ka shaqeeya si loola dagaalamo shaqo la'aanta ardayda Dalka gudihiisa wax ku baratay shaqaalaysiiya, oo naga joojiya kuwa debeda wax ku soo bartay ee aad shaqaalaynaysaan annagu Dawlad ahaan wixii awoodayada ah ee aanu ku yarayn karo waanu qabanaynaa". ayuu ku soo gebogebeeyey hadalkiisa badhasab xigeenku.

 Badhasaab Xigeenka Kadib waxa xafladda ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Burco Prof.Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale oo isna ka sheekeeyey mustaqbalka soo socda waxyaabaha ay Jaamacadu hiigsanayso, iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii ay markasta sare ugu qaadi lahaayeen Tayada Jaamacada. Waxaanu Prof: Cabdiraxmaan ballanqaaday in ay Jaamacada ku soo kordhinayaan Macalimiin cusub oo ay Debeda ka keenayaan iyo Koorasyo cusub oo waxbarasho oo ay jaamcaddu Bilaabi Doonto.

Hadaba waxa ardaydii shahaadada qaadanaysay ka mid ahaa Oday Lixdan (60) Jir ah oo ka qalin jabiyay Jaamacada,  odaygan shahaadada la siiyey ayaa  ka yaabiyay  Indhaha Dadkii Munaasibadda ka soo qayb galay, Odaygan  ayaa noqonaayay ardaygii ugu da'da weynaa ee ka qalin jabiya Jaamacada Burco.

Badhasaab ku xigeenka Gobolka Togdheer Mr.Guuleed Daahir Samatar ayaa Shahaadooyinkii waxbarasho guddoonsiiyay ardaydii qalin jebisay.
 

Ugu danbayntii xafladan qalin jabinta Jaamacada Burco ayaa ahayd mid si weyn loo adkeeyey Amnigeeda waxaana gebi ahaanba xoog loo baadhayay Dadka Xaflada ka qayb galayay si amniga goobta loo sugo.

Mustafe Osman A/rahman

Burao Somalilam

Mustafe_480@hotmail.com

2522-4411480



Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival