Baadiye: HARGEYSA
Wasaaradda arrimaha qayska ayaa maanta si weyn u xustay munaasibadda maalinta caaliga ah ee loo asteeyey lagadaalanka gudniinka fircooniga ah ee lagu sameeyo dumarka yaryar ee soo koraya.
Munaasibadda xafladdaasi lagu xusayey maalintaasi yaraynta ama ladagaalanka oo lagu qabtay Hotelka Emperial ee magaalada Hargeysa waxaa kasoo qaybgalay isla markaana halkaasi khudbado dhaadheer kasoo jeediyey masuuliyiin kala duwan oo ay kamid ahaayeen Agaasimaha Wasaaraddaasi Cabdiraxmaan Maxamed Maal,Sheekh Ismaaciil Dheeg iyo masuuliyiinkale.
Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadashay madaxa urrada ku bahoobay ladagaalnaka gudiniinka fircooniga ah ee Nafis marwo Ugaaso waxaanay ka hadashay arrimaha la xidhiidha dhibaatada uu dumarka u leeyahay arrinkaasi.
Waxaa iyna munaasibaddaasi ka hadashay Shukri Xariir oo ka tirsan Hay’adda Health and Limited waxaanay ku baraarujisay kasoo qaybgalayaasha shirkaasi inay ka digtoonaadaan arrimahaasi.
Waxaaisna halkaa ka hadlay Sheekk Ismaaciil Cabbdihure [dheeg] oo kamida wadaada aadka ula socda arrimaha gduniinka fircooniga ah eel ala macmlo dumarka yaryar sidii aan soo sheegnay.
Waxaanu sheegay mar uu ka hadlayey waxa ay shareecada Islaamku ka qabto arrimahaasi inaanay meela kaga oolin diinta suuban in gabdhaha lagu sameeyo waxaanu intaasi raaciyey inay banaantahay qofka dumarka ah ee hablaha jidhkooda jeex jeexaysa[gudaysa] inlaga qaadomagtooda.
“waa jariimo weyn waana in naagta hablaha waxaa ku samaysa lagaqaado magtooda”ayuu yidhi sheekhu. Dhanka kalana waxa uu sheegay waxa barnaamijkaasi horkacayaa ee dabada kariixayaa inay gaalada yihiin sidaa darteedna aanay dhaqaka suuban ee islaamak dan kalahayn.
Ugu dambayntii waxaa shirkaas soo xidhay isla markaana ka hadlay agaasimaha wasaaraddaasi Cabbdiraxmaan Maxamed Maal,waxaanu ka waramay qorshaha dhaw ee kuwajana cidhibtirka dhaqankaasi liita ee dumarka lagusameeyo.
Md Maal waxa uu sheegay inay wasaaraddiisu soo dhamaystirtay qaabkii looga hortagi lahaa sii socoshada dhaqankaasi isla markaana waxa uu carabka ku dhuftay inay xukuumadda Somaliland go’aansatay joojinta dhaqankaasi.