Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
Maayarka magaalada Ceerigaabo oo xadhiga ka jaray xarun cusucb oo ay shirkadda yeelatay Ceerigaabo
Posted: 2/8/2010 11:08:00 PM
Baadiye: CEERIGAABO

Maanta Waxaa magaalada Ceerigaabo ka dhacday xaflad weyn oo xadhiga lagaga jarayey shirkadda gaasta la shito ee som-gass oo xarun cusub ka furatay magaalada ceerigaabo ee gobalka sanaag.

 Xafladaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey waxay ka dhacday hoolka shirarka ee mahuraan, waxaana ka soo qaybgalay maamulka degmada salaadiin boqoro iyo dadweyne kale oo isugu jirey rag haween iyo dhalinyaro.

 hadaba ugu horayn furitaankii  halkaa ka hadlay gudoomiyaha shirkada somgas ee gobolka sanaag cabdulaahi Axmed Daamur waxaanu ka waramay habka uu- u soo gaadhsiiyey shirkadan sanaag iyo ujeedada loo keenay siaga oo  tilmaamay in loo baahan yahay In la badabaadiyo deegaanka waxaana uu sheegay inay tani tahay horumar usoo hoyaday gobolka sanaag waxwena ka tari doonta deegaanka iyo baahiyaha  bulshadu u qabtey adeegan oo kal.e.

iyadoo hore dadku ugu dirsanjirey wadamo kale in taanay shirkadani soo gaadhin Somaliland, waxaanu ugu baaqay dadweynaha reer sanaag i inay isticmaalaan adeegga ay shirkadaasi bixinayso ee lagaga maarmayo dhuxushii la shidanjiray.

Intaa ka dib waxaana halkaa lagu soo bandhigay sida loo isticmaalo shooladaha loositicmaaloadeegaasikarinta cuntada lagaga maarmayo dhusxusha iyadoo la adeegsanayo adeega shirkada som gass.

 Waxaa isna halkaa ka hadlay isuduwaha wasaarada horumarinta miyiga iyo deegaanka ee gobolka sanaag Xuseen Cismaan {xuseen talaahi}waxaanu sheegay in loo baahan yahay in cidkastiba ka qayb qaadato sidii looga hortegilahaa xasuuqa deegaanka iyo dhirtalagu hayo. hawshaasna ay ka qayb qaadatay wasaaradu waxana uu ugu baaqay  waayeelka iyo dadweynahau in ay dadkooda ka celiyaan isla markaana ka wacyi geliyaan  xasuuqa ay ku hayaan deegaankooda

Waxaa kale oo xafladaa ka hadlay boqorka da’da yar ee boqor  Maxamed Nuux laangadhe waxaanu sheegay in loo baahan yahay in la soo dhoweeyeyo cid kasta oo horuumar wadda waxaanu boqorku carkabkaku dhuftay in ay dhowaan  arimo nabad gelyo u tageen meelo kamida bariga gobolka halkaasna ay ku soo arkeen dhul la xaalufiyey.

Boqorku waxa uu  intaa ku daray in dad dhowaan dhulkaas ka qaxay abaar darteed ay soo noqdeen kadib markii ay meell- la dego waayeen sababta oo ah  buu yidhi dhirta oo laga dhameeyey inta badan dhulka waxaanuboqorku  balanqaadkiisii hore intaan boqornimada loo dooran ay ka mid ahayd in uu wax ka qabto deegaanka waxana uu sheegay in uu meelo badan wax la taaban karo ka qabtay

Waxaa kale oo xafladaas hadal ka soo jeediyey Suldaan Ibraahim Cige Ismaaciil oo sheegay in hargeysa si aada looga istimaalo shirkadan .loona baahan yahay in dadweynuhu isticmaalaan si loo yareeyo dhuxusha la istimaalayo  waxana uu intaa raaciyey in ay tani tahay faaiido  xagga nadaafadda guryaha iyo faaiido kale oo ah xaga deegaanka ah intaba.

 Waxaa kale oo xafladaa ka hadlay caaqil maxamed khayr o sheegay in haatan ay dadkii xoolaha lahaa iyo kuwii kaleba looga baahan yahya sidii looga hortegi lahaa khsaaraha ka dhalanaya jaridda dhirta.

 Ugu danbayntii waxaa xafladaasi soo gebe gebeeyey maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaajinuur waxana uu sheegay in ay shirkadaas somgas ay soo dhoweynayaan islamarkaasna ka codsanayaan in ay qiimaha ka dhigaan qiime macquula  si bulshadu u awoodo inay isticmaalikaraan adeegaasi.

Waxana uu ugu danbayn xadhiga ka jaray xafiiska cusub ee shirkada som gass

Siciid axmed tamreyse

Sanaag74@hotmail.com

xamaasnews.wordpress.com

Ceerigaabo sanaag somaliland

 

 


Daawo Sawirada

Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival