Baadiye: HARGEYSA
Wargeyska Jamhuriya iyo Hay’adda EDC ayaa si wadajira usoo gaga gabeeyey barnaamijkii shaqadoon ee dhinaca waxbarashada dhalinyaradambarnaamujkaasi oo ay wax kabaranayeen inkabadan 65 dhalinyaro ah kuwaasi oo isugujiray Wiilal iyo Gabdhaba waxay soobarteen mihnadda Saxaafadda iyo sida loogu shaqqaysto qaybaheeda kaladuwan.
Xaflad ballaadhan oo loo qabtay dhalinyaradii barnaamijkaa wax kabaray ayaa la gudoonsiiyey Shahaadooyin ay kumutaysteen mudadadii ay wax baranayeen oo lagu sheegay 6 bilood.xafladdaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta matalayey labada dhinac ee Jamhuuriya iyo Hay’adda EDC.
Dhanka kale waxaa munaasibadda Xafladdaasi lagu marti qaaday Madaxda Xisbiyada mucaaradka ah iyo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac [Gaariye] Gudoomiyaha garabka Siyaasadda ee xisbiga Udub Cumar Jaamac Faarax,masuul sare oo kasocday Wasaaradda waxbarashada qaybta imtixaanaadka iyo marti sharafkale oo farabadan.
Hadaba furitaankii shirkaa waxaa kahadlay Gudoomiyaha Warkayska Jamhuuriya Faysal Cali Sheekh Maxamed waxaanu sheegay inkastoo ay duruufo dhaqaale dalka ka jiraan hadana inuu wargeyska Jamahuuriya ku dadaalayo ilaa iyo markii Saxaafadda madaxa banaan la aasaasay sanadkii 1991 inay soo baxaan Suxufiyiin tayo wacan leh.
“maanta waxaa wax aad iyo aad inay maanta dalka ka jiraan intaasoo Jariiraradood iyo TV wada madax banaan” ayuu yidhi Faysal Cali sheikh.isaga oo Gudoomiyaha Janhuuriya kawaramaya hormarka ay Somaliland ka gaadhay dhanka Saxaafadda waxa uu sheegay inay Somaliland kaga hormarsantahay xagga nabadgaliyada marka laga reebo xoriyadda Saxaafadda waasida uu hadalka u dhigaye.
Faysal waxa uu sheegay markii ay samaynayeen barnaamijkani inay eegeen baahiyaha Saxaafadda horyaalla kuwa ugu daran isaga oo arimahaa sharaxayana waxa uu yidhi “runtii markii aanu bilaabaynay barnaamijkan waxaanu u eegnay meelaha ugu dal daloolada badan ee ay ka liitaan Suxufiyiinta Somaliland” ayuu yidhi
Dhanka kale waxa uu ka waramay waxyaabihii kaladuwanaa ee ay suxufiyiintaasi soo barteen waxaanu yidhi “4 qaybood oo kaladuwan baysoo barteen waxaanay kala ahaayeen 1 basic Jaournalism 2 Photo Journalism 3 Layout and design 4 Marketing and Management”
Gudoomiyaha Wargayeska Jamhuuriya Faysal Cali Sheekh waxa uu kula dardaamay dhalinyaradaasi lagudoonsiiyey shahaadadaasi inay ilaaliyaan islamarkaana ku camalfalaan wixii ay soo barteen iyo inaanay noqon sida kuwo kamida Saxaafaddii hore oo waxkabadan 19 ilaa 20 sanadood kusoojiray hadana aan maanta hadii la yidhaa wax qora aan waxba qorikarayn.
Intaa dabadeed waxaa halkaa ka hadlay madaxa mashruucaasi shaqadoon Md Cabdi Xaashi waxaanu sheegay inay so otaba bareen dhalinyaro farabadan Hargeysa waxa uu sheegay inay ka tababareen inkabadan 1600 oo dhalinyaro ah,Burcana ay ka tababareen in kabadan 420 dhalinyaro ah.
Waxaa isna halkaa ka hadlay Xasan Maxamed Jaamac oo katirsan Shirkadda Dahabshiil iyo Hay’adda IREX waxaanu sheegay inay suxufiyiintani yihiin kuwii ugu tirade badnaa ee markaliya shahaadooyin ka qaata mihnadda Saxaafadda Somaliland.
Md Xiis waxa uu sheegay inaan la dhayalsan Basic Journalismka maadaama u yahay furaha hanadhada u dhaqaaqidda Saxafiga doonay inuu mustaqbalka wax fiican barto,dhanka kalana waxa uu kasoo qaygalayaashii xafladdaasi gaar ahaan dhalinyarada Saxaafadda kusoo birtay kula dardaarmay inaanay dadka ka xuurtaysan sidii ay fikirkooda usoo bandhigi lahaayeen balse ay iyagu noqdaan kaliya inay tusaale u noqdaan sidii ay dadku u dhiibanlahaayeen fikirkooda si madaxbanaan oo saliima.
Waxaa isna halkaa ka hadlay midkamida dhalinyarada shahaadooyinka la gudoonsiiyey waxaanu u mahadceliyey Wargeyska Jamhuuriya iyo Hay’adda EDC iyo macalimiintiisii waxsoo baray,waxaa isna halkaa ka hadlay Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac [gaariye] waxaanu ka waramay dhinacyo farabadan oo la xidhiidha guud ahaan habsami u socdka nolosha dadweynaha.
Waxaanu ugu horeyn sheegay inaanu garanaynilaa iyo hadda cidda uu ka tirsanyahay bulshada qaybaheeda kaladuwan marka uu sidaa u eego,taasoo micneheedu yahay in uu yahay nin ballaadhan oo wadamatalikaraya bulshada qaybaheeda kale duwan oo dhan.
Waxaanu intaa kuraday eray yar oo kaftan ah kaasoo dadkii kasoo qaybgalay munaasidaddaasi aad uga qosliyey waxaany yidhi “horta anigu ma’aqaano bulshada dhexeeda cidda aan ka tirsanahay balse waxaan aqaanaa kaliya inaan ahay nin foolxun markaa Muraayadda isku eego”
Abwaan Gaariye waxa uu sheegay marka u garan waayo qaybta uu ka tirsanyahay bulshada marka dambe inuu isku tiriyo dhinaca Saxaafadda “marar badan baan is idhaadaa horta xageed ka tirsantahay balse anu waxaan isku tiryaa inaan katirsanahay bahda Saxaafadda” ayuu yidhi abwaan gaariye.
Abwaan Gaariye waxa uu sheegay inuu isumaleeyo inuu qaybwalba katirsanyahay bulshada dhexdeeda marka uu dhinacwalba eego isaga oo ariamahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaan is idhaadaa waar malaha waxaad ka tirsantahay Saxaafadda,Xisbiyada Siyaasadda mase waxaatahay ooaadka tirsantahay dhanka macalimiinta”
Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac [gaariye] waxa uu sheegay inay Saxaafaddu u qaysanto dhowr qaybood sida qaybta la hadasha dhagaha iyo qaybta indhaha iyo dhagahaba la hadasha waxaanu sheegay inuu isagu ka tirsanyahay qaybta dhagaha dadka la hadashay.Abwaan Gaariye waxa uu shgeegay in xaaladdu ku haboontahay inaan dadka la cabudhine loo daayo inay six or ah oo madax banaan u dhiibtaan fikirkooda hadii kalana ay xaaladdu xumaanayso markaana ay dantu ku kalifayso inuu dadka dhagaha iyo indhaba kala hadlidoono.
“waxaa mararka qaarkood aad iiga yaabisa Dowladdan aqbashay indhaha ee diiday in dadkii dhagaha lagalahadlo markaa waxaan leeyahay qolyahan xukuumadda haddaad diideen inaanu dadka dhaga oo qudha kalahadalo u diyaar garooba dhaga iyo indhahaba waanu kala hadlaynaaye”
Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac [gaariye waxa uu sheegay inay Saxaafaddu ka quwad badantahay waxkasta oo is hortaagana ay jiidhayso waxaanu carabka ku dhuftay awoodaa intaa leg inaanay ahayn inay bahda ku shaqaysataa waxyar oo shilimaada siistaan.
Xafladaa waxaa kale oo kamid ahaa dadkii ka hadlay gudoomiyaha garabka Siyaasadda ee Xisbiga Udub Cumar Jaamac Faarax waxaanu kawaramay maraxaladihii kala duwanaa ee ay Saxaafadda Somaliland soo martay iyotan ay maanta taagantahay,waxaanu sheegay inay meel fiican marayso isla markaana ay ku naaloonayso Saxaafadda Somaliland xorriyad taama sila markaana ay qorayaan waxakasta oo ay doonaan isla markaana aanay jirin cid cabudhisaa.
“marka hore ilaahay waxaan ka rajaynayaa inuu aqoontiina ka dhigo tii dalka iyo diintaba anfacda” ayuu yidhi Cumar Jaamac Faarax,dhaka kalana waxa sheegay inuu kamid ahaa sanadkii hore ardaydii kabaxday Indiana University of Pennsylvania oo ku taalla dalka Maraykanka.
Gudoomiyaha garabka Siyaasadda ee Xisbiga talada dalkahaye ee Udub Cumar Jaamac Faarax waxa uu sheegay barigii uu wax ka qorijiray Saxaafada gaar ahaan Wargayeskii Xoriya ee hagaasay inay Saxafiyiiontu waagaa sharaf iyo milgaba lahaayeen isla markaana aanay qaadayn jirin laaluusha[qabacda] “waagaa waxaan xasuustaa inay Saxaafaddu ka xishoonjiray ninkay wax ka qoraan inay lacag waydiistaan” ayuu yidhi.
Waxaakale oo isna halkaa ka hadlay gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Caliwaraabe waxaanu sheegay inaanay karaamada ay maanta haystaan Saxaafadda Somaliland ku faani karayn xukuumadda maanta talada dalka haysaa.waxaanu sheegay inay u tabar wayday mooye inaanay ogoleyn inay madax banaanaato Saxaafaddu.
“haday xukuumaddu awood u leedahay madax banaanidan maydaan hesheen maanta aad haysataan ee shacabkaa idin ilaashanaya”ayuu yidhi Fatsal Caliwaraabe.waxakale oo uu ka hadlay sida uu u dhaqmo tv-ga Dowladda ee ku hadla afkeeda waxaanu sheegay inaanu ilaalin sharciga Saxaafadda iyo kan u yaala Somaliland toona.
Isaga oo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “tv-ga dowladda waxaan mooddaa sharci Saxaafadeed iskaba daayoo inaanu xattaa kan qaranka Somaliland ilaalinayn mararka qaarkoodna waxaaban is idhaadaa meesha maanu joogin mid qudha oo wax ka garanaya sharciga Saxaafadda”
Waxa uu intaaku daray “tv-gaa sidii loo keenay halkaasaa laga dhisay maareeyaa loo dhiibay wax sharciya oo loo sameeyeyna majiro ilaa iyo hadda waxa uu ka shaqeeyaa hadii aad dawato cayda dadka,iskudirka shacabka Somaliland ismana odhamaysid wax saxaafadda wax kagaranayaa meesha jooga”
Waxaa isna halkaa ka hadlay gduumiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Mxamed Maxamuud [siilaanyo] waxaanu ka waranay arimaha Saxaafadda iyo Siyaasadda maanta taagan ee ay xukuumadu waxaanu sheegay inaanu xaalku ahayn sida uu gudoomiyaha garabka siyaasadda ee Xisbiga Udub Cumar Jaamac Faarax sheegay.
Waxaanu ku tilmaamay mid khilaafsan waxa waaqiciga ah ee jira isaha oo arimahaa ka hadlayana waa uu ydihi “waxaan jeclahay inta aanan u gudo galin hadalkayga inaan waxyar ka idhaado waxaan halkan ka dhagaysanayey walaalkay Cumar Jaamac oo ka tirsan Xisbiga Udub si xamaasad lana uga hadlayey sinaanta,cadaaladda iyo madax banaanida Saxaaafadda makudarayey ta dowladda tv-ga qaranka ma kudarayey Radio Hargeysa ma kudarayey”
“hay’addaha iyo Saxaaafadda aan ka hadlaynaa maaha kuwa ay sida tooska ah umaamushu Udub” wali isaga oo Siilaanyo kasii hadlaya arimahaasi waxa uu yidhi “kuwa aan ka hadlaynaa waa kuwa lagu maalgaliyo lacagtii canshuurtiina ahayd ee laydinka qaadayey Cumarow mawaxaad naga dhaadhicinaysaa Saxaafadu way u simanyihiin cadaaladda iyo sinaata?” ayuu yidhi Siilaanyo.
Gabagabadii xafladaa waxaa ardaydii suxufiyiinta ahaa shahaadooyin gudoonsiiyey Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada Md Cabdicasiis Maxamed Samaale isaga oo kahora halkaa kasoo jeediyey diinta islaamka iyo xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya Saxaafadda.