Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
Cuqaal,salaadiin iyo waxgarfad kasoojeeda beelaha bahabrceli ee samaroonoo beeniyey inay taageersan yihiin Udud
Posted: 3/1/2010 10:13:00 PM
Baadiye: BORAMA/LUGHAYA

Xubno ka tirsan Salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka beesha Bahabarceli (Samarroon) ayaa bayaan diidmo ah kasoo saaray mawqifka beeshaasi ee dhinaca siyaasadda isla markaana caambaareyn usoo jeediyey
 rag ka tirsan beesha oo wargeyska Waaheen 25kii bishan u sheegay in beeshaasi go’aansatay taageerada xisbiga UDUB kaasoo kusoo baxay wargeyska Waaheen 25kii bishan February.

Bayaan ay Boorama kasoo saareen Saalaadiinta iyo Cuqaasha beeshaasi ayna ku saxeexnaayeen toddoba xubnood ayaa u qorraa sidan :  ‘Anngoo ah Salaadiinta, Cuqaasha Besha B/Celi (Samarroon) kana mid ah ardaayada Beelaha Maxamed Case waxaan si cad u beeninaynaa qoraal kusoo baxay wargeyska waaheen 25kii bishan laguna sheegay in beeshu taageerto xisbiga UDUB .

Warkaa been abuurka ah oo ay qoreen laba nin oo dembiyo ka galay dadka iyo dalka oo is leh waxaad kaga badbaadaysaan inaad xisbiga Talada haya ka hoos gashaan dadweynaha ay dembiyada ka galeen kuwaasoo mar labaad ka beensheegay xubno tiro yar oo magacyadooda lagu sheegay qoraalkaasi .Dadka ay markhaatiga ama qoraalka ku darsadeen ayaa qaarkood waa hore geeriyoodeen, halka kuwa kalena ay haysato caafimaadarro, Ragga geeriyooday ee laga been abuuray waxa ka mid ah Marxuum Aadan Madar, ilaahay ha u naxariistee, Ragga been abuurka sameeyey oo ah laba nin magacyadooduna kala yihiin Maxamed Cumar warsame iyo Cabdi Ciye Dharaar kuwaasoo ku caanbaxay ama lagu yaqaanno waxayaalo ay sameeyeen oo foolxuno ahaa.

Maxamed Cumar warsame oo ahaan jiray xubin ka tirsan g/dhexe ee xisbiga UDUB isla markaana gobolkan ka ahaan jiray xoghaya xisbigaaasi ayaa ahaa nin bombooyinka ama qaraxyada ka geystay xarunta xisbigaasi ku leeyahay sagaashameeyadii, falkaasoo uu u xidhnaa in muddo ah, xilkii UDUB uu ka hayeyna lagaga qaaday falkaasi, wuxuna haatanrajo ka qaab in been abuurkani u suurageliyo sidii uu UDUB ugu laaban lahaa.

Cabdi Ciye Dharaar oo ah ninka labaad ee warka been abuurka ah ka sameeyey beesha ayaa la ogyahay dhacii iyo boobkii uu ku lunsaday deeq hay’adda CDRD iyo ururka CDC ugu talogaleen dadka ku nool degaanka Ceelbaxay .Dacwad lagu oogayo ninkaasi ayaa haatan ka socota magaalada Saylac waxaana la isweydiin karaa su’aasha ah xisbiga UDUB ma wuxu noqday waabka tuugada ?.

Sidaa darteed waxaan leenahay ma jirto beel ay metelaan mana jirto beel shirtay iyo cid ay wakiil u yihiin toona ,mawqifka siyaasadeed ee beeshuna waa kii ay go’aansatay isla markaana kusoo sharaxday Musharraxa mansabka madaxweyne kuxigeenka xisbiga Kulmiye Eng.C/raxmaan Saylici.”

Xubnaha ku saxeexan bayaankaasi

1.Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye
2.Caaqil Muuse Xuseen Faatax (Saxane)
3.Caaqil Xuseen Xaashi Dharaar
4.Caaqil Yuusf Cabdi Geelle
5.Caaqil Idiris Axmed Buux
6.Caaqil Cilmi Cabdi Gadiid
7.Caaqil Muumin Daahir Odowaa

 



Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival