Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
Laba caruura oo walaalo ah daddooduna kala tahay todobabilood iyo labasano iyo badh oo lagu kufsaday Hargeysa
Posted: 3/2/2010 4:18:00 PM
Baadiye: HARGEYSA

Dhacdo naxadinle oo soo jiidatay indhaha iyo dhagaha dad badan oo reer Hargeysa ah ayaa ka dhacday magaalada Hargeysa,dhacdadaasoo ah mid kamida falalakii ugu foosha xumaa ee soo mara damiirka maskaxda qofka fayow ee ay naxdini jidhkiisa in uun habayaraatee ku jirto.

 

Arintaa fooshaxumi waa KUFSI loo gaystay laba ilmood oo walaala ah oo dadooduna kala tahay laba sano iyo badh iyo todoba bilood kuwaasoo magacyadooduna kalayihiin [wiilka Hanad Mahad Cabdullaahi iyo Hudda Mahad Cabdullaahi.

 

Hadaba dhacdan aadka u layaabka badani waxay ku dhacday Ayeeyo Aamina Cabdi Siraad oo ah Islaan weyn oo waayeel ah isla markaana uu laxaadkeedu kala dhantaalanyahay [waxaa go’an lugta midid] taas oo hooyo u ah ninka dhalay labadan caruurta ah ee la kufsaday.

 

Hadaba si aanu warar dheeraad ah arimahaa uga ogaano waxaanu la xidhiidhnay dadkii ehelka u ahaa caruurtaa yaryar ee la faraxumeeyey ee walaalaha ah.waxaana nuu suurogashay inaanu ugu tango dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa,halkaasoo ay hadda labadaa caruurta ahi kusuganyihiinisla markaana lagula tacaalayo daaweyntooda waxaanan midkamida qaybaha waadhka gaar ahaan qaybta lagu daweeyo caruuraha yaryar ku booqanay labadaasi caruurta ah ee la faraxumeeyey.

 

Hadaba Tafatiraha Shabakadda wararka ee baadiye Xadiis Maxamed Xadiis ootagay goobta ay labadaa caruurta ahi dhaawaca u jiifaan ayaa waraystay Ayeeyo Aamina  Cabdi Siraad oo xiligaasi dul fadhiday labadaa ilmood ee faraxumayntu soo gaadhay.

 

Balse marka hore inta aano wariyuhu inoo soo bandhigin wareysigaasi oo aad u xanuun baan bal marka hore haynoo iftiimiyo sida uu ahaa jawiga goobta [dhakhtark] ay caruurta dhaawaca ahi jiifaan iyo muuqaalka wajiyada  dadkii qaraabada ahaa ee baxnaaninayey xaaladda caafimaad ee caruurtaasi,warbixintaasina waxay u dhacday sidan.

 

Saacaddu waxay ahayd abbaaro 12kii duhurnimo markii aan gaadhay dhakhtarka weyn ee Hargeysa waxaanan horey usii galnay aniga iyo gabadhkale oo Suxufiyad ahayd oo baadidoonka dhacadaasi igu wehelisnaysay goobta ay caruurta dhawaca ahi jiifaan markiiaanu gaadhnay albaabka hore ee lagagalo waadhka ay caruurtu jiifaan ayey istaagtay gabdhii ilasocotay.

 

Waxaanan dareemay inay ka argagaxsantahay muuqaalka naxdinta leh ee nasoo qaabilay [caruurta la kufsaday] markaasaan ku idhi dee innamari oo gal qolka markaasay intay dib iigu soo jeedsatay igu tidhi si tiiraanyoleh “adigu iga horee oogal” markaan arkay inay gabadhu diidantahay muuqaalka naxdinta leh ee meesha kasoo muuqda ayaan horey u dhaafay waxaanan markiiba indhaha ku dhutay dad ilaa 5 qof gaadhay oo ragg iyo dumarba isugujira oo hareera taagan sariita ay Hanad iyo Huda dulsaaran yihiin.

 

Ka Suxufi ahaan waxaan isku dayey inaanu aad ii saamayn dareenka murugada leh ee hadheeyey wajiyada dadka goobta jooga ee ah  qaraabada Hanad iyo Huda.markii  aan salaamay waxay iiga qaadeen si qabow waxaanan u yeedhay Haweenay kamida dadkaasi waxaana ula baxnay xagga dibadda si aanu marka hore isugu sheegno waxaanu nahay iyo meesha aanu kasocono [shabakadda baadiye]

 

Intaa kadib waxaanu isu sheegnay gabadhii inaany Suxufiyinnahay kana socono shabakadda wararka ee baadiye isla markaana aanu doonayno inaany wax ka ogaanu xaaladda ay caruurtaasi ku suganyihiin iyo goorta uu falkaasi dhacay si aanu wax uga qoro.

 

Markii  ay islaantii naga ogolaatay inaanu arinkaa waxkawaydiino ayaanu cosanay inay ka dhaadhiciso Ayeeyo Aamina Cabdi Siraad inay naga ogolaato inaanu waraysi ka qaadno waanay naga ogolaatay ka dhaadhicin iyo wax u sheeg farabadan dabadeed.

 

Lasoco qaybaha kale sheekada. Hanad iyo Huda



Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival