Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay khaasaraha ka dhashay roobabkii maansheeyey magaalooyinka Wajaale iyo Barbara
Posted: 3/3/2010 9:56:00 PM
Baadiye: HARGEYWSA

warsaxaa fadeedkaasioo soogaadhay xafiiskashabakadda wararka ee baadiy isagaoo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan.


Sidaynu wada ognahay waxaa bilowday raxmaadkii roobka gu ga, ilaahayna aynu ugu shugri naqayno, maadaama uu inaga soo jabiyey abaartii baahsanayd ee guud ahaan ka jirtay Somaliland.

 

Roobabkaasi oo khasaare gaadhsiiyey magaalooyinka Berbera iyo Wajaale, waxaanay waxyeeleeyeen goobo kala duwan oo ku yaala Magaalooyinkaas.

 

Haddaba, Xisbiga KULMIYE waxaanu ka tacsiyadaynaynaa khasaaraha naf iyo maalba leh ee soo gaadhay magaalooyinka Wajaale iyo Berbera.

 

Sidaa darteed, Xisbiga Kulmiye waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland, Dawlaha Hoose iyo dhamaan Hay’adaha Caalamiga ah inay u gurmadaan sidii wax looga qaban lahaa khasaaraha soo gaadhay magaalooyinkaas.

 

Xisbiga KULMIYE wuxuu u soo jeedinayaa, kuna talinayaa Xukuumada Somaliland inay qorshe habboon ka yeelato waxyeelooyinka sida caadiga ah roobabku soo gaadhsiiyaan Magaalooyinka Somaliland, sida daadadka galay Bakhaaradda Wajaale iyo Maxjarka Xoolaha ee Berbera.

 

Ugu danbayntii, Waxaanu kula talinaynaa Xukuumadda Somaliland in la Sameeyo qorshe lagaga faa’iidaynayo biyaha roobabka ee sanad walba iyagoo qulqulaya badda toos u taga, dadweynahana waxaanu ku boorinaynaa inay xoogga saaraan sidii ay u kordhin lahaayeen wax-soosaarkooda dalaga beeraha, iyagooka faa’iidaysanaya roobabka.

 

Bulshow aynu isku tashano, nimaan dhididini ma dhargee.

 

Allaa mahad leh

 

Md. Axmed Maxamed Siilaanyo

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye  


Xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE 
Somaliland, Hargeysa
 


Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival