Qaybta Adeegga Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa, ayaa shalay furtay Barnaamij tababar ah oo la xidhiidha sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta sharci ee Garsoorayaasha dalka, kaas oo socon doona muddo saddex sanno ah.
Munaasibaddii furitaanka Barnaamijkan tababarka Garsoorayaasha oo bilaabmi doona maalinta Sabtida ah, waxa ka qayb galay, Wasiirada, Madaxtooyada Xasan Axmed Ducaale (Xasan-Macallin), Wasiir-ku-xigeenka Cadaaladda Yuusuf Ciise (Tallaabo), Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Xirsi Ismaaciil (Oomane), Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan, masuuliyiin ka socday Xeer-ilaalinta Qaranka, Maamulka kale ee Jaamacadda Hargeysa iyo waliba qaybta adeegga Sharciga, Garsoorayaal, masuuliyiinta Ururka Garyaqaanada SOLLA iyo marti-sharaf kale.
Ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo xusay in Jaamacadda Hargeysa tahay Jaamacaddii u horraysay ee dalka laga hirgeliyo qaybta barashada Sharciga, isla markaana wuxuu ka warbixiyay Barnaamijka tababaridda Garsoorka. “Barnaamijkani waa mid aad muhiim u ah, Jaamacadda Hargeysana waa mid diyaar u ah Cilmigan iyo cilmi-baadhistaba.” Ayuu yidhi Dr. Bulxan, waxaanu sheegay in Jaamacadda Hargeysa ay ka bilaabmayso Barnaamij la xidhiidha barashada xallinta khilaafaadka oo soconaya muddo sanad ah, maadaama ay caawa qalin-jebinayaan dufcaddii u horraysay ee Barnaamijkaa wax ka baratay. Waxaanu u mahad-naqay dhamaan ka-qaybgalayaashii furitaanka tababarkaas.
Guddoomiye-xigeenka Jaamacadda Dr. Mubaarak Ibraahim Aar oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ka hadlay kaalinta ay Jaamacadda Hargeysa ku leedahay awoodda waxqabad ee Sharciga, waxaanu ka warbixiyay faa’iidooyinka tababarkaas. “Faa’iidoonka tababarkan waxa ka mid ah; in Garsoorka cusub lagu tababaro Sharciga, in tababarada ay u baahan yihiin ee la siiyo, sida xirfadda Koombuyuutarrada, sababtoo ah Maxkamadaheena qoraal iyo Teebab ayaa laga isticmaalaa. Waxa kale oo faa’iidadiisa ka mid ah in kor loo qaado tayada Garsoorka iyo sidoo kale in ay Garsoorayaashu aqoon u yeeshaan Shuruucda cusub ee dunida ku soo korodhay, sida dembiyada Telefoonnada, Internet-ka iyo aaladaha kale ee casriga ah. waxaanu tababarkani bilaabmi doonaa dhawaan, Shareecada iyo Garsoorkuna waa ka qayb.” Ayuu yidhi Guddoomiye-xigeenku.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Hormoodka qaybta sharciga ee Jaamacaddaas Maxamuud Xuseen Faarax oo ka waramay muddada uu socon doono Barnaamijkaasi. “Barnaamijkan oo saddex sanno socon doona, ayaanu Jaamacadda, Guddida caddaaladda, Wasaaradda Cadaaladda iyo Maxkamadda Sare aanu isla garanay in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto aqoonta dadka sharci-yaqaannada ah..Marka uu karaamadani dhammaadana waxaan rejaynayaa in ay soo noqon doonto Karaamadii iyo tixgelintii Garsoorka.” Ayuu yidhi Prof. Maxamuud.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Cabdiraxmaan Xuseen Cadami oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Garsoorka Somaliland hadii la dhaliilo uu dhaliisha la qabo Hay’adaha kale ee Dawladeed. “Waxaad mooddaa in aqoonta Garsoorka ay Somaliland faqiir ka tahay, sababtoo ah dalku ma lahayn Jaamacado Sharci ooh ore wax looga baran jiray..waxase Ilaahay mahaddii ah in aynu maanta doonayno in aynu ka gudubno.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Hawl-gal la’aanta Guddida Cadaaladda wax badan baa ku baylahay, waayo dabagal iyo kormeer toona may samayn jirin, balse tababarkan ayay la bilaabmi doontaa Insha Allah.”
Waxa kale oo halkaa ka hadlay Madaxa Xafiiska UNDP ee Somaliland oo ka warbixiyay waxqabadka Hay’addaas ee Soomaliland oo uu sheegay inay ka mid tahay taakulaynta arrimaha Garsoorka, Maxkamadaha iyo Sharciga, waxaanu sheegay in loo baahan yahay tabbaaro, isaga oo u mahad-naqay dadkii ka qayb-galay munaasibaddaas iyo kuwii soo qaban-qaabiyayba.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Mr. Oomane oo ka mid ahaa masuuliyiintii keenay fikirka Barnaamijkan, halkaana ka hadlay, ayaa ku dheeraaday sooyaalkii taariikheed ee Shuruucda iyo Xeerarka Caalamiga ah, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in si guud loo tababaro dhammaan dhinacyada Sharciga iyo cidda ku hawl-gasha.
Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi oo ka mid ah Ururka Garyaqaanada Somaliland ee SOLLA oo isna halkaa ka hadlay, ayaa Maxkamadda Sare ugu baaqay in ay kor u qaaddo aqoonta Garsoorayaasha, waxanu soo jeediyay in la dhiirigeliyo Dhalinyarta ku cusub mihnadda Sharciga. Waxa kale oo uu Garyaqaanku ugu baaqay Xukuumadda in la laalo Lacag Cashuur ah oo lagu rogay Dacwadaha. “Waxa loo baahan yahay in qof kastaa uu fursad u helo Cadaaladda, sababtoo ah Gabadha meherkeeda doonaysa ee Kabo-la’aan gurigeedii kaga soo baxday, iskama bixin karayso haddii marka ay Racfaan qaadanayso la yidhaahdo 3-Milyan oo Shilinka Somaliland ah bixi..Waxaan soo jeedinayaa in Lacagta la dulsaaray dacwadaha laga dul qaado, sababtoo ah haddii lays yidhaahdo yareeya Dacwadaha, dadku suuqa ayuu isku dilayaa.” Ayuu yidhi Garyaqaan Maxamed.
Masuuliyiintii kale ee iyana halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa, Xeer-ileeliye-xigeenka Qaranka Aadan Axmed Muuse, Wasiir-xigeenka Cadaaladda Yuusuf Ciise (Tallaabo), Guddoomiyaha Ururka Qareenada SOLLA Jaamac Cilmi Xaashi iyo Wasiirka Madaxtooyada Xasan Axmed Ducaale (Xasan-Macallin) oo isagu furay tababarkaas, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay Barnaamijkan tababarka Garsoorayaash