Madaxweyne Faroole ayaa waxa uu intaasi raaciyey in ay ku raja weyn yihiin in dhowaan ay u hirgasho arrinta simnaarka Golaha wasiiradda waxa uuna sheegay in ay muhiim tahay in uu qofku aqoon u leeyahay waxa waxku maamulaayo madaxweynaha ayaa waxaa intaasi ku daray in arrintan ay kala kaashan doonaan haya ddaha taageera Puntland iyo ku sharci yaqaano kusugan dibada iyo gudaha Dalka.
Arrinta loogu samaynaayo siminaarka Golaha wasiiradda ee Dawladda Puntland ayaa waxaa lagu sheegay haddii ay hirgasho mid waxka bedelaysa habka maamul ee Puntland ayna qayb kaqaadan doonto maamul wanaaga Puntland, iyadoo intabadn lagu xanto aqoon yari xaga maamulista ah in ay haysato maamulada kajira Soomaaliya.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa hadalkan waxaa uu kajeediyey munaasabad xil wareejin ah oo maanta kadhacday xarunta wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska ee Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Waa markii ugu horaysay oo uu madaxweynaha Puntland sheego in uu u furi doono Golahiisa wasiiradda siminaar ku aadan dhanka maamul wanaaga, arrintan ayaa waxa ay kusoo aaday xilli dhowaan uu madaxweyne Faroole isku shaandhayn kusa meeyey Golahaha Wasiiradda Dawladda Puntland