wararka laga helayo wakaaladaha wararka ayaa sheegaya in Khuburo ku sugan dalkaasi oo inta badan la socda dhaq dhaqaaqa dhanka Garsooreyaasha iyo maxkamadaha ku yaala dhowaan Dowladda Kenya ayaa doonaysay in maxkamad ku taala magaaladda Xeebta ah ee magaaladda Mombasa horkeento ila 9-nin oo Soomaali ah kuwaas oo ku eedeysan falal Burcad Badeednimo oo la sheegay in lasoo qabtay iyagoo ku guda jiray.
Mid ka mid ah khuburada oo si hoose la hadlay qaar ka mid ah Jariiradaha kasoo baxa dalkaasi ayaa sheegay in arintaas ay ku dhamaatay fashil ka dib marki khilaaf iyo muran u dhexmaray Xeer ilaalinta Maxkamada iyo qareenada u doodaayay Ragaasi kuwaas oo maxkamadaynta iyo sharuucda lagu tiigsanaayo ku tilmaamay mid sharci darro ah kana baxsan Sharciga u degsan dalka Kenya.
Dhanka kale khabiir u dhashay dalka Kenya kuna soo takhsusay Cilmiga Sharciga ee Caalamiga ayaa sheegay in marki la maxkamadeynaayo dad ku eedeysan falal Burcad Badeednimo loo baahanyahay in la sameeyo tixraac dheer si loo ogaado dambiyadda u galay aysan ahayn oo keliya in waxaa lagu soo qabtay lagu maxkamadeeyo.
Hadaba warar kale ayaa sheegaaya in maxkamadaynta Ragaasi Soomaalida dib loo dhigay ila bisha soo socota,iyadoo lagu celiyey xabsi ku yaala magaaladda Malindi oo hore ay ku xirnaayeen.
Khilaafka soo kala dhexgalay Xeer ilaalinta maxkamada Magaaladda Mombasa iyo qareenada u doodaya ragga lagu soo eedeyey falal Burcad Badeednimo ayaa la sheegay in u cirka isku shareeray ka dib marki la sameeyey dadaalo lagu doonaayay in lagu qaboojiyo oo iyaguna fashil ku dhamaaday.
Arimahaan oo dhan ayaa qayb ka ah eedeymaha inta badan loo soo jeediyo dalka Kenya oo lagu tilmaamo wadamada ugu musuq maasukh badan qaaradda Afrika,waxaana aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doono xaalka ragaasi Soomaalida.
Dowladdaha Sweden,Maraykanka,Germany iyo Norway ayaa Dowladda Kenya ku wareejiyey inka badan 100-nin oo Soomaali oo ay kasoo qab qabteen xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed kuwaas oo la sheegay in ay samaynaayeen falal Burcad Badeednimo ayna doonaayeen in ay afduubtaan gaadiid Badeed halkaasi goosheeyey.
Waxaana Dowladda Maraykanka gaar ahaan Safaaradda ay ku leedahay dalka Tanzania ugu baaqday wadamada Qaaradda Afrika in ay ka qayb qaatan Maxkamadaynta Ragga Burcad Badeeda lasoo qab qabto,waxaana dhowaan talaabadaas ku biirtay oo Dowladda Kenya la safatay Xukuumadda Jaziiradda Seychelles ee ku taala Badwaynta Hindiya.