Baadiye: BURCO
XAFLADII SANAD GUURADDII 1-AAD EE
URURKA HORUMARINTA BULSHADA IYO DEEGAANKA
EE MAGAALADA BURCO.
Munaasibada Sanad guuradii1aad ee
Ururka Horumarinta Bulshada iyo Deegaanka waxa ka soo qayba galay Ururo kal
duwan ,Abwaano
Waxgarad iyo Dhalinyaro
aad u tiro badan .
ugu horayn waxa munaasibadda ka hadlay
Gudoomiyaha Ururka Mudane :C/casiis Cawil Maxamud, isagoo
sheegay in Caaw ay tahay Sanad Guuraddii 1aad Ururka iyadoo Ururka la Aasaasay
Taariikhdu Markay ahayd 08_03_2009 Caawana tahay 08_03_2010
Ururka waxa kaloo Gudoomiyaha Ururku ka sheekeeyey Waxqabadka
Ururka Isagoo waxqabadyada ugu badan ee ururka ku sheegay in ay yihiin badani
yahay ilalinta Deegaanka, waxa kaloo uu ku wacyigeliyey dhalinyarada iyo
bulshadaba in lagama Maarmaan ay tahay in aynu ilaalino
Nadaafada waayo bu yidhi inta Qashinku kuu jiro ayuu cudurkuna ku jiraa
.
waxa kalo uu carabka ku dhuftay
Tahriibta, waxa u sheegay Khatarta Tahriibta in ay saamaysay Wadankeena waxa
loo baahanyahay bu yidhi in aynu samayno
Wacyi galin badan
oo aynu ku joojinayno Tahriibta Dalkeena Asiibtay, waxaan Dhalinyarada u soo
jeedinayaaa bu yidhi in ay Dalkooda wax u qabtaan iyo dadkoodba
OO aynu Cidna isku halayn isna
Kaashano.
Sidoo
kale wax halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Burco Mudane: C/raxmaan Jaamac
Ducaale ugu horayntii waxa uu mahad naqay Ururka iy wax qabadkooda, waxaanu
sheegay in loo baahanyahay Ururo badan oo ka
Shaqeya
Deegaanka, "Deegaankeenu ma haysto dayac tir badan
Deegaankeena
Waxa ka soo sii yaraanaya Geedihii oo Nabaad
Guuray inta badan waxa loo
Isticmaalaa Dhuxusha markaa in
aynu Ilaalino Deegaankeena oo had iyo jeer ka
Beerno Geedo
aad u tiro badan si aanu deegaankeenu u Nabaad Guurin"ayu yidhi Guddumiyha
Jamacadda Burco.
Sidoo kale waxa uu
dhalinyarada ku dhiiri geliyey kuna baraarujiyey in
Dhalinyaradu ka qayb qaataan siday Deegaanka
u Horumarin lahaayeen iyo in ay ka ilaaliyaan Nabaad
Guurka.
Waxa kaloo ka hadlay Wacyi
galinta Deegaanka masuul ka socday
Haay'ada Havoyoko Mr:C/wahaab Jaamac Xasan waxa uu mahad
celiyey Ururka Iyo siday wax u Qabtaan waxaanu sheegay in ay
tahay Muhiim in aynu ka shaqayno Horumarka Deegaanka waxa
kaloo u sheegay in Dadkeenu ku xidhanyihiin ama ku tiirsanyihin
Xoolaha Nool markaa haddi ay Xoolihii wayaan Geedihii ay
Cunaayen oo Geedihii u isticmaalen DHuxusha, waxa ka soo
Wajahay Dhibaato aad u badan markaa waa in Inagoo isku
duuban aan ilaalino Deegaankeena kana dhawro wixii u keenaya
Dhibaato.
Sidoo
kale waxa ka hadlay Abwaan Ismaacil Ibraahim Warsame waxa uu mahad
Naqay Ururka iyo waxqabadkiisa waxa kaloo uu sheegay
Abwaanku Dhalinyarudu
Tahay Madaxdii Bari marka
Dhalinyaradu in ay Afkooda Hooyo ka tagaan maaha,
Sidoo
kale waxa uu Dhalinyarda ku baraarujiyay in aanay Tahriibin oo ay ku Quus
Qaataan walaalo hoodii ku Dhintay Badaha iyo Saxaraha oo ayna
eegin
Kuwa ka
Badbaaday.
Gaba Gabadii waxa halkaa ka
hadashay Agaasimaha wasaarada arimaha
Qoyska
marwo:Caasha cali Qabile waxay u mahad naqday Ururka
isku hawlay in ay Ilaaliyaan Deegaankooda aadna waxaan ugu faraxsanahay in aan
ka soo qayb Galo waxaan u idiin soo jeedinayaa in aad hawsha halkaa ka sii
wadaan
.
Faadumo
Seleban jaamac
BURCO sLAND
25224417901