Baadiye: BUUHOODLE
Dagaal udhexeeya ciidamada dalka itoobiya ee dhwaanahamba fadhiisinka kulahaa magaalada Buuhoodle ee gobalka Togdheer iyo dadka deegaanka ayaa maanta abbaarihii 1:00 duhurnimo halkaa ka dhacay dagaalkan oo dhimasho iyo dhaawacba keenay ayaa lagusooo waramayaa in uu khasaare badani soo gaadhay dadka rayidka ah ee deegaanka Buuhoodle.
Isu duwaha wasaaradda warfaafinta Somaliland Axmed Cabdullaahi[biin] oo aanu khadka Telefoonka kula ixdhiidhnay isaga oo jooga magaalada Laascaadnood ee xarunta Gobalka Soola ayaa sheegay in uu dagaalku maanta duhurkii ka dhaxay magaalada dhexeeda.
Isu duwuhu waxa uu sheegay sababta keentay dagaalka saaka ka dhex qarxay ciidamda itoobiyaanka ah iyo dadweynaha deegaanka waxa uu ka dambeeyey kadib markii ay ciidamada itoobiya dileen nin kamida dadka deegaanka isla markaana ay maydkiisa soo dhigeen meel aan sidaa uga siifogeyn xerada ay daganyihiin ciidamada itoobiyaanka ahi.
Kadib markii ay dadku saaka halkaa kasoo qaaden maydka nimkaasi ayey waxyar uun kadib rasaastu halkaa ka bilaabatay,waxaanu warku intaa ku darayaa inay dadka rayidka ah dhimasho soo gaadhay dhaawac kalana wuu jiraa.
“warkaasi waa run waana la qaadan karaa”sidaa waxaa baadiye u sheegay Sisuduwaha wasaaradda warfaafinta ee gobalka Sool Axmed Cabdullaahi ookhadka telefoonka ugu waramayey wariye ka tirsab baadiye.tirada dhimashada ayaa lagu shgeegay inay ka badantahay 10-ilaa 15 qof.
Dhanka kale waxaajira dhimasho iyo dhaawaba dhinaca ciidamada itoobiyaanka ah soo gaadhay sida uu wariyuhu kasoo naqliyey dadka deegaankaasi mar uu khadla telefoonka kula xidhiidhay sida uu sheegay “waraa waxaan kala xidhiidhay qaarkamida dadka deegaanka gaar ahaan saraakiisha xagga caafimaadka ee dhakhtarka magaalada Buuhoodle” ayuu yidhi isuduwe Biin.
Ciidamada dalka itoobiya ayaa dhawaanan hamba kusugnaa gudaha iyo cidfka magaalada boohoodle waxaanay kasoo galeen dhanka xadka dalka itoobiya la leeahay Somaliland.
Sida ay wararku tibaaxayeen maalmihii lasoo dhaafay waxaajiray is hujuun iyo goolaatancolaadeed oo u dhexeeyey labada dhinac ee maanta dagaalku ku dhexmaray gudaha magaalada buuhoodle waxaanay dadku ishaarayeen inay suurtagal tahay inuu dagaalkani dhicidoon.
Maayarka magaalada Buuhoodle Mr Ducaale ayaa todobaadkii hore laanta afka Somaliga ee bbc da u shgeegay inay dagaalamayaan hadii ay xaaladdu sidaa kusii socoto isla markaana ay wajihi doonaan ciidamda aadka u hubaysan ee itoobiya “dagaalku waa lagama maarmaan”ayuu yidhi duqu magaalada Buuhoodle isaga oo markaa ula jeeay in waxay la dagaalamayaani ay yihiin ciidamda Somaliland ee halkaa ku sugnaa xiligaasi oo ku beegnayd maalmihii ay bilaabanayeen sanaaduuqda kaadhadhka cusub ee qaadashada is diiwaan galinta doorashooyinka Somaliland ee fooda inagusoo haya.
Wararka kale ee isla magaalada Buuhoodle ka imaya ayaa sgeegay inay ciidamada dalka itoobiya eek u sugan gudaha magaalada Buuhoodle halkaa ku qab qabteen dadbadan qaarna ay xidh-xidheen. Isla markaana u taalniyeen dhinaca xadka dalkooda.
Major wax wara oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dhanka Dawladda itoobiya ee ciidamdadeedu halaa kula dagaalameen dadka deegaankaasi Buuhoodle.sidookale waxaan cadayn dhimashada iyo dhawaca tirada rasmiga ah ee labada dhinacba soo kala gaadhay.
Wixii wararkaa kasoo kordha waxaad kala soconaysaan shabakadda wararka ee baadiye haduu eebe yidhaa.