Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
Wafdibalaadhan oo uu hogaaminayo A/Saylaci oo xaflad balaadhan kuqabtay xuska 18 may magaalada Boorame
Posted: 5/22/2010 5:32:00 AM
Baadiye: LUGHAYA

wafti balaadhan oo kasocda xisbiga kulmiye oo uu hogaaminayay musharaxa madaxwayne ku xigeenka kulmiye Eng C/raxmaan Ismaaciil C/Laahi “Saylici” kana koobnaa xibno kal duwan sida gudoomiyaha ololaha doorashooyinka xisbiga kulmiye md Baashe Cadbi Gaboobe g/xigeenka ololaha Cabdi Siciid Faahiye, Suldaan Cabdi muuse geele, Xildhibaan Axmad  Muxumad Geele, Xildhibaan Mahdi Xuseen Cadar, iyo xubno kale o ka tirsan  golaha wakiilada oo ay ku weheliso shabakada warbaahinta lughayanews  iyo idaacada calamiga ah ee Horyaal ayaa kala waree gay xuska munaasibada sanad guurada 19 aad ee 18 may kadib markii ay kadareereen dhamaanba xubnaha gobolka iyo kan dagmada ee Salal iyo magaalada Saylac.


Munaasibadani oo ay dadwaynaha reer Saylac  mudo badan ka sugayeen cid uga heelisa maamul ay ku tilmaameen budhcad  cadaaladeed  hadaba masuuliyiinta xisbiga kulmiye oo ujeedada socdaalkoodu ahaa wacyi galinta  kaadh qaadasha  shalay ka gaba gabawday dhamaanba dalka  uguna baaqayay dadwaynaha inay qaadataan  kaadhadhakooda si ay uga qayb  qaataan doorashada  fooda inagu soo haysa  ee  26 june ka dhici doonta dalka somaliland .

munsaasibadani oo ahayd mid looga wada baahnaa inay wada xusaan dhamaanab mucaarad iyo muxaafidba   gaar ahaana waajibka ubadana ay ka saarnayd xukuumada ayaa gacanta  ugu dhigay sifo sharci ah inay xusaan maalintani oo  ah maalin qiimaheeda aanan la koobi Karin waftigan balaadhanaa oo ku kulmay magaalada Borama ee gobolka awdal   kala ahaa wafti uu hogaminaayo  Baashe Cabdi Gaboobe oo ah gudoomiyaha ololaha ee xisbiga kulmiye  iyo wafti kale oo uu hogaaminaayay  musharaxa madaxwayne ku xigeen Eng. C/Raxman C/Laahi (saylici) xilka wafigana kula wareeyay saylici kana  anba qaaday isla magaalada Boorama ayaa ay kabilaabeen   deegaanada  ka bilaabma agagaarka magaalada boorama sida  meelaha umuuqda magaalada ee ayka  midtahay  goobta fulunfuulka.

 halkaasi oo ay socdaalkooda kusoo mareen deeganada kala  ah Xariirad ,C/qaadir ,Sh. aware ,Fiqi aadan  Jidhi ,Fadhi xun Ceelgala Aasha cado , Saylac Toqoshi , Gacaara Lughaya Gargaara, Garbodadar , Cali Xaydh Baysaare, Ruqi . aakhirkiina ay kormeerkoodii wacyigalineed ay ku soo gabagabeeyeen old baki.

 magaalooyinka iyo tuulooyinka kor ku xusan ayaa lugu  soodhaweeyay dhamaanba si heer are ah waftigan balaadhan ee uu hogaminayo musharaxa m/kuxigeenka Eng C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil (saylici )  dhamaan deegaanadasi ay waftigu  wacyigalinta ku soo marayeen ayaa ay ka jeediyeen  khudbado iyo balanqaadyo ay la dhaceen dadwaynihii ku sugnaa deegaanadaas.

Dhanka kale mar uu ka hadlaayay munaasibadaasi gudoomiyaha ololaha ee xisbiga kumiye  ayaa waxaa uu  u balan qaaday dadkaasi ku dhaqnaa magaalada saylac  in uu noqon doono xisbigu ku aad uga war haya ee aanu noqon kan kada ka taliya dalka haya waxaanu u raaciyay intaasi inay manta uu yahay socdaalkayagani sidii loo wada qaadan lahaa  kaadhkaaga uguna hiilin lahayd dalkaaga iyo dadkaagaba  nafahaagana wax ugu qabsan lahayd.


 
sidoo kale waxaa kahadlay  xildhibaan  Axmad Muxumad Geele oo ahaa aasaasihii xisbiga kulmiye ee gobolka awdal markii uu ahaa xisbigu  ururka ilaa iyo imikana katirsan golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ahaana gudoomiyaha gobolka ee isla xisbigiisan kulmiye  dhankakale waxaa raaciyay intaasi xildhibaan Mahdi Xuseen Cadar oo kamid ah xildhibaanada golaha Baarlamaanka qaranka ug jira xisbiga kulmiye

ugu danbaytii waxaa  munaasibadaasi  ay waftigani kula wareegeen xuska maailnta 18 may oo ay kayaaceen masuuliyinta dawlada ay u idmatay inay kaqtaan hawlaha oo sifo sharci daro ugu wada tageen magaalaa xuduudka ah ee lawya-cado  Eng. C/Raxman C/Laahi Sismaaciil (saylici )una balan qaaday dhamaanba cid tageerta iyo cidkalaba hadii ay qabtaan dalka inay  wada shaqayn wanaagsan ka dhaxaydoonto dadka iyo dalkaba waxanu ku daray intaasi  inay hada beentii soo afjarantay loona baahan yahay in lawada foojignaado  lagana wada warhayo waxa wanaagsan ee ay dadka indin ka raba xilka inaad u dhiibtaan ay idinsoo hordhigaan  waxaanse hada usoconay oo ay ujeedadayadu ahayd kaliya inaan hada wax idiin sheegno umaanaan inam ee waxaan usoconay sidii ay dadku kaadhka uqaadan lahaayeen kaliya.



Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival