|
Ciidamada ka tirsan Al Shabaab gudaha u galay idacada FM Soomaaliweyn ee maagalada Muqdisho iyagoona biliqo??
|
|
Posted:
5/22/2010 5:41:00 AM
|
Baadiye: MUQDISHO
Ciidamada ka tirsan Al Shabaab ayaa galabta gudaha u galay idacada FM Soomaaliweyn ee maagalada Muqdisho iyagoona biliqo xoog leh u geeystay .
Agaasimha Iadacada Soomaaliweyn Abuurkar gadaf oo saxafada la hadlay ayaa sheegay in galabta markii ay Al shabaab qabsadeen Degmada Boondheere oo ay ku taalo Idacada ciidamada ka tirsan Al shabaab gudaha Iadacada ay u galeen iyagoo wajiyada ay u xirnaayeen, waxa ayna qaateen FMka Iadacad Soomaaliweyn hasa ahaaatee waxa dhibaato ah uma geeysan shaqaalaha idacada marka lag reebo handadaad Waardiyayaasha iyo qaar kale oo ka mid ah Shaqaalaha idacada.
Idacada Soomaaliweyn ayaa ku ku taala agagaarka Isgooyska Maanaboolyo, waxaa maanta ka hor halkaasi gacanta ku hayey ciidamada Dowlada hasa ahatee mRadio Somaaliweyn ayaa waxa uu ka mid ahaa idacada ku yaala goobaha Dowlada ay ka taliso una hogaansamay amarkii kooxaha Islaamiyiinta ah ee ahaa in Iadacadaha Muqdisho ay jooojiyaan Musiga iyo heesaha.
Ilaa iyo haatan ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Ururka Al Shabaab oo ku aadan biliqada ay ciidamada afka soo tuubtay ee Al Shabaab u geeysteen Radio Soomaaliweyn.
|
|
|
|