Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
Wasaaradda caafimaadka iyo Hay'adaha Unicef iyo Who oo siwadajira maanta u furay B/ol-olaha Talaalka Caruurta
Posted: 5/22/2010 12:30:00 PM
Baadiye: HARGEYSA

Wasaaradda caafimaadlka iyoshaqada ayaa maanta si rasimya u furtay ololaha talaalka caafimaadka oo socon doona muddo 65 maalmood ah.munaasibadda furitaaka xafladdaasi oo lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa waxaa hadalo kala duwan kajeediyey masuuliyiin farabdan waxaana kamid ahaa Wasiir ku xigeenka Caafimaadka iyo shaqada Mahdi Cabullaahi Cimaan Buuri.Cawil Xaaji Cali Guure oo ah madaxa Hay’adda Unicef u qaabisal waaxda caafimaadka.

 Waxaam kaloo halkaa ka hadlay Dr Idriis Ibraahim Xaaji Nuur oo kamida dhakhaatiirta ku shaqeeya cudurada  ku dhaca caruuta,Aasiya Cismaan oo ah madaxa xafiiska Hay’adda WHO,Ms Ettie Higgins oo ah maxada xafiiska Unicef ee Somaliland iyo Somaliya,Maxamed Daahir Kherye oo ah madaxa ururka kalaaliya yaasha caafimaadka ee Somaliland.

Xafladaasi waxaa ugu horeyn ka hadlay Dr Idriis waxaanu ka waramay cudurada ku dhaca caruuurta iyo siyaabaha looga hortago amase loo daweeyo markay ku dhacaan caruurta,Dr Idriis waxa uu sheegay inay dhimashada caruurta keenaan cuduro si sahlan marka hore looga hortagi lahaa “waxaa jira ucuro caruuta laaya balse marka hore si sahlan looga hortagi karo”ayuu yidhi.

 Waxaa isna halkkaa ka hadlaysiuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobalka Hargeysa Axmed Xasan Goole waxaanu sheegay inay jiraan dad bdaan oo loo diyaariyey shaqada talaalka inay qabtaan maalamaha soo socda waxaanu intaa ku daray  inay shaqaaalahaasi shalayba diyaariyeen isla markaana ay diyaar ku yihiin dhamaan goobihii loogu talo galay.

Waxaa iyana halkaa ka hadashay Marwo Aasiya Cimaan waxaanay ka warantay taariikhdii dheerayd ee uu soo maray talaalka Somaliland iyo heerka uu hadda marayo sidoo kale waxay sheegtay inay WHO ku taamayso inay Somaliland heer sare ka gaadho cidib tirka cudurkaasi “WHO waxaa ka go’aninay Somaliland ka gaadho heerka ilaa 90” ayey tidhi.

Waxaa iyana haklkaa ka hadashay Mss Ettie Higgins oo ku hadlaysay magaca Unicef,waxaanay ka warantay ujeedada ka dambeysa qabashada xafladda furitaanka barnaamijka ol olaha Talaaka caruurta Somaliland,iyada oo arimahaa kawaramasyana waxay tidhi “ujeedadu waxaa weeye 2015 markay tahay in lagaadho dhamaystirka cudurka talaaka dunida oo dhan”

Mss Ettie waxay intaa ku dartay inay shaqada talaalka kamid noqod doonto inay caruurtu helaan dawada loo yaqaano VITAMIN-A waxaanay sheegtay tirade caruuta Somaliland ee mudadaa 5 cisho ah loogu talo galay inay qaataan daawda talaaka inay gaadhayso tiradoodu 480 caruura oo ku kala dhaqan dhamaan gobalada dalka Somaliland oo dhan.

Dhanka kalana Mss Ettie waxay sheegtay si ay fariintaasi dadka Somaliland oo dhan u wadagaadho inay fariin ahaan ugu diri doonaan telefoonada ay dadku gacanta ku qaataan ee Mobiles-ka loo yaqaano “si loo gaadho ddnta laga leeyahay barnaamijkan waxaanu Mobilada dadka ugu diridoonaa fariinta ka tarjumaysa barnaamijkaasi” ayey tidhi.

Dhanka kalana waxay sheegtay inay diyaariyeen gaadiid farabadan oo gaadhay ilaa iyo 700 oo gaadhi kuwaasoo loo adeegsan doono fulinta shaqada ka hortagga cudurka Talaalka ee gobalada ka dhicidoona laga bilaabo maanta oo ay taariikdhu tahay /5/2010. Waxaa intaa wehelindoona shaqaale ay tiradoodu gaadhayso 920 isaga kala imanaya gobalada Somaliland oo dhan.

 Waxaa isna halkaa ka hadlay Maxamed Daahir Khayre oo ku hadlayey magaca ururka kalaaliya yaasha Somaliland waxaanu ka waramay qiimaha ay bulshada ugu fadhido inay dadku qaataan talaalka balse waxa u masuuliyiintii kasoo qaybgashay barnaamijkaasi gaar ahaan dhanka xukuumadda ku dhiiriggaliyey in shaqada loo qaato dhalinyarada loo tababaray xirfadda caafimaadka maadaama ay waxbarteen “waxaan masuliyiinta meesha fadhida ku dhiirigalinaya in shaqada loo qaato dhalinyarada aam waxbaray ee xirfaddii garanaya” ayuu yidhi.

Ugu danbeyntii waxaa halkaa ka hadlay Wasiir ku xigeenka caafimaadka iyo shaqada Mahdi Cismaan Buuri waxaanu sheegay inay inay xukuumaddu dadweynaha reer Somaliland uga masuultahay talaalka cudurka dabaysha iyo xiiqdheerta labadaba, maadaama ay waaliku ka dhaga adaygeen fulinta arinkaasi waaasida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale waxa uu Wasiir Buuri ka hadlay arin kabaxsan munaasibaddii laga hadlayey oo ah dhanka arimaha siyaasadda gaar ahaan qaadashada kaadhadhka diiwaan-gelinta doorashada soo socota waxaanu sheegay inay khaladaad badan xambaarsan yihiin kaadhadhkaasi isla markaana aanay lahayn macluumaadka loogu talo galay mashiinada lagu soo sameeyey inay sheegaan khaladaadka “waxaajira cabashooyin badan oo ay kaadhadhku leeyihiin”ayuu yidhi.

 Waxaanu intaa sii raaciyey “masheegayaan kaadhadhkani marka lamariyo mashiinka in uu khalad yahay iyo  inkale isaga oo taa og baanu Madaxweyne Riyaale Saxiixay si ay doorasho dalka uga dhacdo” ayuu yidhi Mr Buuri.dhanka kalana waxa uu sheegay Gudoomioyaha UDUB u qaabilsan ololaha doorashgada Cismaan Caudllaahi Cigaal[Cismaan Hindi] inuu qaatay tiro kabadan intii uu xaqqa u lahaa oo ah 3 midh.

 Balse waxa uu ku sheegay sababta uu u qaatay inay ahayd inuu tijaabiyo khaladaadka kujira kaadhadhka diiwaan-gelinta cusub ee lagaga qaybgalayo doorashada soo socota. “Cismaan Hindi haduu 3 kaadh qaatay wuxuu cadaynayey kaadhadhka tayadooda”ayuu yidhi.

 



Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival