Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
Hargeisa:Hooyo Danyar ah oo seddex caruur ah oo mataano ah ku dhashay cusbitaalka Adna maternity hospital
Posted: 5/23/2010 5:42:00 AM
Baadiye: HARGEYSA

Hargeisa:Hooyo Danyar ah oo seddex caruur ah oo mataano ah ku dhashay cusbitaalka Adna maternity hospital



Hooyo Saynab yuusuf cabdi ayaa ku umushay cusbitaalka wayn ee adna meternaty hospital laba hablood iyo wiil caafimaad qaba dhamaantood. Hooyadan oo laga soo qaaday Tuulo ka mid ah Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ayaa ku dhashay mid ka mid ah Caruurta Gaadhigii ay saarnayd dushiisa halka labada kale ay ku dhasay Cubitaalka Adna ee magaalada hargeisa. 
 
Seddexda Caruur ah ayaa kala Danbeeyay min laba saacadood iyada hooyada Awlaada dhashay Caafimaadkeedu aad uwanaagsanayahay, Caruurta ay dhashayna aanay ahayn Caruur Curyaan ah balse illahay dhamays tiray muuqaalkooduna waynaagsanyhay, Culayska wiilka ayaa ahaa 3.7kg halka gabdhuhuna ay ka ahaayeen 2.3kg. 

Hooyadan oo ah hooyo Danyar ah oo aan haysan Kharash ku filan oo dabooli kara inay wada koriso Seddexda Caruur ah ee ay halmar ku wada dhashay cusbitaalka. 
 
Hooyadan ayaa hore u haysatay Todoba Caruur ah, oo kala ahaa afar hablood, iyo seddex wiil base hadda marka lagu daro seddexdan caruur ah waxay noqonayaan Toban caruur ah, waana markii ugu horaysay ee ay dhasho mataano iyada oo Caruurta hore u dhashay kali kali. 

Hooyo Saynab oo xaaladeeda Caafimaad uga Waramaysay Wariye Nimco Muxmed ibraahin oo ka tirsan hawlwadeenada Shabakadda War arka ee Gabiley News ayaa sheegtay in Xaaladeeda Caafimaad aad u wanaagsantahay balse ay tahay Gabadh danyar ah oo ninkeedu bilaa camal yahay degana Goob miyi ah, oo aanay ku haysan wax ay ku dabarto nolol maalmeedka seddexda Caruur ah ee ku soo biiray reerkeeda. 
 
Hooyadan ayaa ka Codsatay Umadda Reer Somaliland, hayadaha caalamiga, Dawlada iyo Ganacsatadu inay ka Caawiyaan Sidii loo korin lahaa Caruurtaasi mucjisada ah ee ay hal mar ku dhashay dhakhtar iyaga oo Caafimaad qaba. 
 
C/qaadir C/laahi Cali oo ah aabaha Dhalay Seddexda Caruur ah oo aanu kula kulanay Cusbitaalka ayaa sheegay in illaahay mooyaan aan Cid wax la qabtay aanay jirin isaga oo Xusay in ay Dhib ku ahayd Soo qaadida Xaaskiisa oo aad u cuslayd sidaa Awgeedna uu ka maarmi waayay inuu usoo Qaado Cusbitaal ay ku Umusho oo kana warhaya Xaaladeeda Caafimaad, Waxa kale oo uu intaa Raaciyay inuu ku Faraxsanyahay Awlaada illaahay siiyay ee Caafimaadka Qaba iyo Xaaskiisa oo iyana Caafimaad Qab ku dhashay. 
 
Haweenka Reer Somaliland ayay ku yartahay arintani iyada oo badanka ay dhalaan mataano ama ilmo kaliya balse waa Arin aad u yar in haweenka somaaliyeed ay dhalaan seddex caruur ah oo aan mid mayd ahayn, badankaa hadii ay dhacdona way yartahay inay wada noolaadaan seddexduba, balse waa arin illaahay Qadaray inay hooyadani dhasho seddex caruur ah oo caafimaad qaba. 

Dadka muslimiinta ah ee jecel inay Caawiyaan ama Wax la qabtaan Umushaasi aan haysan Wax ay Cusbitaalka kaga Baxdo iyo Wax ay ku quudiso Caruurtaasi mucjisada ah ee illaahay ugu deeqay inay mar wada dhasho waxay usoo marin karaan Telephone numberka odaygeeda C/qaadir Ibraahin C/laahi 002522-4127444 
 
Nimco Muxumed Ibraahin 
Gabiley News Reporter 
Hargeisa/Somaliland 
Qaali540@hotmail.com

Daawo Sawirada

Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival