Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
Burco :xaflad qalin jebin ah oo xalay lagu qabtay Hotel City plaza ee magaalada Burco.
Posted: 5/24/2010 5:37:00 AM
Baadiye: BURCO
 
Burco :xaflad qalin jebin ah oo xalay lagu qabtay Hotel City plaza ee magaalada Burco.

xaflad  baladhan oo shahaadooyin lagu guddoonsiinayay Dufcaddii 2aad ee ka qalinjebisay College ka T I T C ayaa xalay lagu qabtay huteelka City Plaza ee magalada burco.
 
Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa kasoo qaybgalay  masuulayin ay ay ka mid ahaayeen mujaahid maxamed kaahin ,marwo caasha cali qabile iyo abwanada  foosiya hormuud .
 
waxa ugu horayn xafladda qalinjbinta kahadlay mamulaha College ka T.I.T.C  mustafe cismaan c/raxmaan Waxaanuu ka warbixiyey marxaladaha uu soo maray College ku  isagoo mamuluhu ardayda ku ammaanay dadaalka iyo samirka ay la yimaadeen muddada haaf sannadka ah ee waxbrashooyinka ay soo dhiganayeen, waxaanu ardayda qalinjabisay ku waaniyay inay waxbarashada halkooda kasii wadaan.
 
waxa kale oo halkaas kahadlay mujahid maxamamed kaahin axmed isagoo ka warbixayaay waxbarashadu faaidooyinka ay leedahay iyo waliba heerka lugu gaadho aqoonta.

waxa kaloo iyana ka hadashay abwanada foosiya hurmuud oo iyadu usoo jeedisay waano badan iyo waliba gabayo ay uqaaday ardayda qalin jabinaysay .
 
waxana ugudanbayintii ka hadashay xafladda marwo caasha cali qabiile oo ah isuduwaha wasaradda qoyska iyado ka warbixisay waxbarashada tayada ay leedahay, aad na u waanisay da'yarta.
 
xalfadan ayaa waxa la gudoonsiyay 75 arday oo dhamaysatay waxbarashada IT. GA iyo weliba habka wax loo qoro iyo sidoo kale saxaafadda.
 
gabagabadi waxaa xalfadu ay ku dhamaatay jawi farxadeed iyadoo shahaadoyin sharafyo badanna la isku Guddonsiiyey gebagabadii munasibadda, ayna ka mid ahayd shahaado sharaf isuduwaha wasaradda qoyska uu Guddonsiiyey Maamuluhu.
 
 
khadar c/risaaq saleebaan
baadiye news.com
burco /soomaliland 

Daawo Sawirada

Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival