|
Codbixinta doorashooyinka Baarlamaanka dalka itoobiya oo lasoo gaba gabeeyey iyo xisbiga lagu wado inuu helidoono
|
|
Posted:
5/24/2010 8:46:00 AM
|
Baadiye: ADDIS ABABA
Waxaa guud ahaan deegaannada uu ka koobanyahay dalka Itoobiya si habsami ah uga billaabatay codbixinta doorashooyinkii afarraad ee baarlamaannada deegaannada iyo kan dowladda dhexe.
Dooraashooyinkan, oo la saadaalinayo inuu xisbiga tallada dalka haya ee EPRDF si fudud ugu guuleysto, ayaa u muuqdo kuwa ay dowladda dadaal badan ku bixineyso sidii ay ugu dhici lahaayeen si xaq iyo nabadgalyo ah.
Goobaha codbixinta ayaa furmay aroorti hore, qiyaasti 6:00 AM, iyadoo dadka qaarna ay fiillo dheer sii galeen waaga oonan baryin, si aynan ulla kulmin waqtiga uu dadku aadka u soo baxayo.
Shacabka Ismaamulka Deegaanka Soomaaliya ayaa dhankooda la fillayaa inay u codeeyaan xisbiga haya tallada Deegaanka ee SPDP.
Gudoomiyaha xisbiga SPDP, mudane Cabdifitaax Sheekh Cabdullahi, oo dhawaan ka hadlay isu-soo bax ay shacabka magaallada Jigjiga isugu yimaadeen, ayaa guud ahaan shacabka Deegaanka ugu baaqay inay u codeeyaan xisbiga SPDP.
Xisbiga SPDP ayaa tan iyo intii uu qabtay hogaanka dowlad Deegaanka wuxuu ku dadaalay gacansiinta isku dayga horumarineed ee ay dowladda dhexe ka wado Ismaamulka Deegaanka Soomaalida.
Cabdifitaax ayaa lagu amaanaa dadaalkii badnaa ee uu galiyey habsami u socodka howlaha xisbiga iyo waliba furfurnaanta siyaasadeed ee xisbigu sameeyey tan iyo markii uu hogaanka u qabtay.
Doorashooyinkan ayaa la filayaa inay aad uga gadisnaadaan kuwii sanadkii 2005, kuwaasoo watay rabshado, isla markaana dhaliyey deganaansho la'aan qatar galisay kaladanbeyti iyo nidaamki dowliga ahaa
|
|
|
|