Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
Xubno ka Tirsan Xisbiga ANC ee dalka koonfurta Afrika oo ku Nuux-nuuxday Horumarka Somaliland Gaadhay
Posted: 5/24/2010 6:11:00 PM
Baadiye: SOUTH AFRICA


Xubno ka Tirsan Xisbiga ANC ee dalka koonfurta Afrika oo ku Nuux-nuuxday Horumarka Somaliland Gaadhay

Munaasibad  Lagu Xusayey Maalinta Qaranimada Somaliland oo Lagu Qabtay Dalka Koonfurta Afrika

 Johannesburg (Jam)-Xaflad ballaadhan oo lagu xusayey maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May, ayaa habeenkii Axadda lagu qabtay magaalada Johannseburg ee dalka Koonfurta Afrika, iyada oo halkaasi ay ka hadleen xubno ka socday xisbiga ANC ee wadanka Koonfurta Afrika oo lagu casuumay.

Munaasibada loogu dabaal-degayey maalinta qaranimada Somaliland oo sannad kasta 18 bisha May laga xuso Somaliland oo lagu qabtay hudheel weyn oo ku yaal magaalada Johannesburg ee dalka Koonfurta Afrika oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi, ayaa waxa ka soo qaybgalay  xubno ka socday xisbiga gobonimada u horsdeeday Koonfurta Afrika ee ANC, jaaliyadaha reer Somlailand iyo dadweyne kale oo isugu jiray South Afrikaan iyo qoomiyadaha kala duwan ee Soomaalida.

Xafladda lagu xusayey 19 guurada ka soo wareegtay maalintii magaalada Burco lagaga dhawaaqay inay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda 18 May 1991, waxay ahayd mid si aad u heer saraysa oo qiimo badan loo soo agaasimay, iyada oo calanka Somaliland lagu sharraxay hudheelka xafladdu ka dhacday.

Guddoomiyaha Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka koonfurta Afrika (COSSA) Mr. Axmed Jaamac oo dadweynaha xuska ka qaybgalay hadal u jeediyey, ayaa si qoto dheer oo faahfaahsan uga sheekeeyey taariikhda Somaliland iyo horumarka ballaadhan ee ay 19 kaa sanno ku tallaabsatay, isaga oo xusay in Somaliland looga diyaargaroobayo qabsoomidda doorashadda madaxtooyadda, waxaanu dadweynaha reer Somaliland ku boorriyey inay ka qaybqaataan sidii doorashadaasi ugu dhici lahayd si nabadgelyo ah oo sumcad weyn u soo jiida qaranimada Somaliland.

Waxa iyaguna munaasibadaa ka hadlay xubno ka socday xisbiga ANC iyo dad kale oo lagu soo martiqaaday, kuwaasi oo ku nuuxnuuxday waxyaabaha qiimaha leh, horumarka iyo wanaaga ay Somaliland ku tallaabsatay.

 Dadweynaha reer Somaliland ee ka qaybgalay xafladda lagu xusayey maalinta qaranimada ee 18 May, waxa wejiyadooda iyoq quluubtooda laga dheehanayey sida ay ugu faraxsan yihiin horumarka dalkoodu gaadhay iyo qiimaha wadaniyadu leedahay, maadaama ay ku nool yihiin dal shisheeye oo aan dalkoodii hooyo ahayn. Kuwaasi oo hadaladii wanaaga ahaa iyo calamada Somaliland ee hudheelka ku kiciyeen boholyowga ay u qabaan inay mar uun cagaha soo dhigaan dhulkooda hooyo



Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival