Baadiye: HARGEYSA
Talaalka caruurtu ma wax lagu qadhaabtaa mase waa waxjira oo waa cudur dhab ahaan dalka Somaliland ugajira haduuse jiro waamaxay dawadiisu?todobaadkan horaantiisii ayey Wasaaradda Caafimaadka iyo shaqaada ee Somalilandiyo labada Hay;adood ee Unicef iyo Who xaflad balaadhan ku qabteen Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa.
Waxaanay munaasibaddaasi sadex geesoodka ahi dulucdeedu ahayd inay kawaramaan arimaha aan xagga hore kusoo sheegnay iyo waxa keena cudurada Dabaysha iyo xiiqdheerta ee dhaca caruurta yaryar ee dadooodu u dhaxayso 1-5 jirka.
Hadaba hadii aan dib u jaleecno sanadihii lasoodhaafay iyo sida uu ahaa jawiga ku xeeran arimaha ka hadlaka cudurkaasiwa uu ahaa mid ay aad uga hadljireen masuuliyiinta ku bahoobay wax ka qabashada cuduradaa iyaga ah ee aan soo sheegnay.
Waxaanay xulafa ku caanka baxay la dagaalanka cudurkaasi sheegijireen inuu cudurkaasi ka dabar-go ay dallkaSomaliland amse Somaliya oo dhan.taasoo ay ku sheegijireeninay tahay guul usoo hooyatay dhamaan shacabka Somaliyeed meelkasta oo ay joogaamba.
Hadaba taasi maanay noqon wax soo waar balse sanadba intii aanay kasoo wareegin Hay’adad Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO waxay ku dhawaaqday inuu cudurkii Dabayshu markale dibugu soo laabtay.isla markaana loo baahnayahay inay bulshadu qaaddo talaabooyin ay ku taageerayaan dadaalka ay qaramada midoobay gaar ahaan Hay’addaha ku shaqada leh caafimaadku wadaan ee ah dabar gooyada cudurkaasi.
Waxaanay howsha dadaalka wax ka qabashada cudurkaasi dhulka Somalida oo dhan ka socotay sanadihii lasoo dhaafay,si kastaba ha ahaatee masuuliyiintii kasoo qaybashay xafladaasi waxay dhamaantood iska dabamareen in uu cudurkaasi yahay wax la dawaynkaro marka hore balse ay aad u adagtahay marka dambe sida looga bad baadin karayo ubadka yaryar inay halisgalaan.
“cudurkani waxa uu kamid yahay cudurada la daweynkaro marka hore ee waliba dhibkayar waa hadii la raaco talada dhakhaatiirta oo ay dadku talaalaan ubadkooda”sidaa waxaa yidhi Dr Idriis Xaajinuur oo kamid ahaa dhakhaatiirtii ka soo qaygashay xafladdii furitaanka barnaamijka ladagaalanka ololaha cudurka dabaysha ee ku dhaca caruurta yaryar ee aan soo sheegnay dadooda.
Dhanka kale waxaajira dad aaminsan inaanu cudurkaasi ahaynwaxjira balse ay gaalada iyo Hay’adaha qaarkood ku maxaafsadaan si ay lacago farabadan uga helaan caalamka kale. Waxaanay tusaale ahaan usoo qaataan dadkaasi inaanay cuduradaasi kuba dhicin dadka reer guuraaga ah ee xoolo dhaqatada ah islamarkaana ay caruurtoodu ka caafimaad badan yihiin kuwa reer magaalka.
Sidaa darteedna ay aamisan yihiin inay sheekadu tahay weelka lagu uruursanayo qaadhaanka lacagaha lagagasoo xamaalanayo Dawladaha deeqaha bixiya ee ay Hay’adahaasiku shaxaadaan magaca dadka Somaliyeed.
Iyadyoo ay aad u yartahay waxay kasoo gaadhsiiyaan dhaqaalaha farahabadan ee ay kusoo uruursadaan magaca Somalida baahan,waxaanay Hay’adaha qaramada midoobay ku naaxeen dhaqaaalaha farfaha badan ee ay faraqa kagasoo shubtaan Dawladaha caalamka iyaga oo ku dawaranaya magaca marba dalka siiliita sida Somaliya oo kale taasoo noqotay meeshii loo samaysan jiray weelka dawarsiga.
Gaba gabadii shirkaa waxaa ka hadlay Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri waxaanu sheegay in uu cudurkaasi yahay wax ladawayn karo hadii ay dadku u maraan dariiqa ku habeen ee ay dkhaatiirtu u jeexeen.
Waxaanu halkaa ku siiyey laba sadex dhibcood oo daawada ka hortaga talaalka cuudrka dabaysha ah