Baadiye: HARGEYSA
Shirkii dalka Turkiga lagu qabtay ee loogu yeedhay dib u dhiska dalka Somaliya waxaa isugu yimid Dawlado farabadan iyo shakhsiyaad magic ku leh siyaasadda dunida waxaanay dulucda shirkaasi taabanaysay waxa loogu yeedhay dib u dhiska dalkii burburay ee Somaliya.
Hadaba bal waxaad u fiirsataa siday isu qaban karayaan xaaladda maanta ka taagan Somaiya iyadoo aan ognahay xaaladdeeda nabadgaliyo siday tahay iyo waxa kataan,inay dadka halkaa ku shiray yidhaadaan waxaanu isugu nimid sidii aanu Somaliya dib ugu dhisi lahayn.
Iayadoo ay maanta dunida oo dhami ka wada dharagsan tahay wadciga uu marayo siyaasad ahaan iyo dhaqaala ahaamba dalka Somliya.dadka badankiisu iskuma daalinayaan amase wax qiimo leh uma arkaan waxa meeshaa kasocday iyo erayada nacasnimada leh ee warbaahinta caalamka laga sheegayo.
Waayo waxay ka dharagsan yihiin wixii ay soo mareen shirarkii kan ka horeeyey ee loo qabtay dalka burburay ee Somaliya oo hadda hooy u noqday Cadaw shishyeeye oo dhanwalba isaga yimid haduu kuwa diineed ahaan lahaa iyo haduu kuwa magic gaalaad ahaan lahaa labadaba waxaanay xaaladiisu noqotay hashii uu ninka gurani kaxeeyey ee uu dhinac walba ka garaacay. Waayo kuwii u dhashay ee lahaa magaca iyo muuqaalka Somaliyeed waa kuwa aan maanta ognahay inay iyagu sabab u nodeen in uudalkoodii maanta yahay RAQ ay bahda waraabaha oo dhami isugu yeedhayso si uu mid waliba laftiisa u qaato.
Balse shirka ku dhamaaday dalka Turkiga inuu ka tarjumayo sida quruxda bdan ee ciiwaankiisa loo dhigay waxaa un u qaadanaya kuwa iyagu ka dambeeya xasilooni darda kataagan dalka Somaliya iyo inta wax magaratrada Somalida ah ee loo tumayo durbaanka hoosta ka madhan ee khayaanadu ka dhexyeedhayso.
Dadka wax magartada ah ee maanta ilaahay gacabtooda ku duleeyey umadda halaagga ku sugan ee Somaliyeed waxaa kaida kuwa ku dagaalamaya magaca diinta Islaamka isla markaana aan ku run sheegayn waxay hadalkooda ku bilaabayaan oo ah Ducadii Rasuulka CSWS ee cadaaladda,naxariista iyo is cafiska ku dhsinayd.markay idaacadaha ka hadlayaan.
Waxaanay taa badalkeeda ku faanaan inay laayeen kuwa kale ee hadba iyaga kasoo horjeeda ee walaalahooda Somaliyeed ah,waxaanay karaamo iyo sharaf moodayaan amase ayba u arkaan inay ilaahay ugu dhawaanayaan inay maalin walba ku faraxashaan dhiigga dadka masaakiinta ah ee ay si walba seejiyeen.
Dadka wax magaratada lagu tilmaami karayo waxaa kamida ninka sheeganaya inuu dalka Madaxweyne u yahay waa shariife hadana ceebtiisa maanta BBC da ka yidhi “anigu shirarkii hore waxba kamaan ogeyne balse kan maanta[turkiga] waxa uu ahaa mid ka duwan wixi hore oo wax fiican baa kamuuqday”
Dadka caliga saliimka ah ku shaqaynayaa waxay is waydiinkaraan “oo tolow maanu dunidaba joogin Somaliyaba iska daaye”marka uu leeyahay anigu shirarkii hore waxba kalamaan socon.dhibaatada iyo masiibada taa kasii darani waxay tahay iyadoo ay kuwa caalamka sheeganaya ee waxbaanu taraynaa Somaliya dunida maqashiinayaa ay ka caqligaa leh leeyihiin isagaa wada xalkii Somaliya ee waa in la raacaa isaga.
Markaan sidaa leeyahay uma jeedo inay kuwa isaga kasoo horjeedaa ka fiican yihiin amase ay iyagu wadaan xalkii dhabta ahaa,laakiin waxaan iftiiminayaa inaanu shariif lahayn caligii ama aanu ku hadal garashadii nin isaga oo kale ahi.
Kuwa isaga kasoo horjeedaana way kasiiliitaan waayo waxaan ognahay waxay kasamaynayaan gudaha dalka Somaliya iyo siday ula dhaqmayaan maatida iyo dadka aan awoodda lahayn oo ay ka baracinayaan maalin iyo haneen gabaadka yaree uga hadhay waxay ku dumiyeen iyaga iyo cadawgii ay soo adeegsadeeni madaafiicda halaagga ah.