Baadiye: BUUHOODLE
Kulamadii ay odayaasha reer Buuhoodle iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya maalmahanba ku lahaayeen degmada Buuhoodle ayaa weli ka socda xeryaha ciidamada itoobiyaanka ee ku yaala duleedka magaalada Buuhoodle,waxaana kulankii ugu danmbeeyey ee ay yeesheen maanta,waxaana itoobiyaanku u qabteen odayaasha ilaa maalinta beri ah saacadu markay tahay 8:00 subaxnimo inay hubkii iyo qalabkii laga qabsaday Itoobiyaanka ku keenaan.
Dhanka odayaasha ayaa codsaday in itoobiyaankuna keenaan qoryo badan oo ay qabsadeen iyo weliba gawaadhidii ay haysteen,arintaas oo ay Itoobiyaanku ku gacan saydheen,waxayna iyaga oo hanjabaya ay odayaasha u sheegeen in hadii odayaashu hubkaas keeni waayaan,ay qaadi doonaan talaabo ay hubkaas iyo dadkii qaatayba ay ku soo qabanayaan,arintaas oo odayaashu ku macneeyeen daandaansi cusub,balse odayaasha ayaa balan qaaday inay hubkaas ku keeni doonaan wakhtigii loo qabtay.
Hubkii laga qabsaday odayaasha ayaa sida aan wararka ku helayno ayaan odayaashu gacanta ku hayn ilaa iyo maanta,hubkaas oo dadkii qabsaday markiiba sii iibiyeen,dhowr jeerna gacmo kala duwan sii galay,oo ay odayaashu ku khasban yihiin inay dib u soo iibsadaan hubkaas.
Dhibaatada iyo tacadiga ay Itoobiyaanku ku hayaan dadka reer Buuhoodle ayaa sii badanaya,iyada oo ilaa haa la haysto gawaadhidii ay dadka shacabka ahi lahaayeen,gawaadhidaas oo kor u dhaafaysa ilaa 17 gaadhi,mana aanay sheegin wakhti ay ku sii daynayaan gawaadhidaas.
Si kastaba ha noqotee ciidanka Itoobiyaanka ayaa laga cabsi qabaa inay beri subax,ay qaadan hawlgalo ay magaalada mar kale tacadiyo ka geystaan,iyaga oo ku andacoonayo inay hubkoodii doonayaan.
Dhanka magaalada Widhwidh ayaa degan maanta,waxaana magaaladaas gacanta ugu jirtaa ciidanka Somaliland,iyadoo dagaalo ay ka dhaceen laba maalmood ka hor,dagaalkaas oo geystey dhimasho iyo dhaawac badan.
Suuqa Buuhoodle weyne.