Baadiye: TOGAHERAR
| Shacabka iyo masuuliyiinta Diredhaba oo sameyeey banaanbax ay uga soo horjeedaan warbixintii HRW |
Diredhaba, 25-May-2010 - Banaanbax ballaadhan, oo looga soo horjeedo warbixintii ururka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha (HRW) ee ku aadaneyd doorashooyinka dalka, ayey isugu yimaadeen shacabka Ismaamulka Magaallada Diredhaba iyo masuuliyiintiisa.
Ururka HRW ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay inay doorashooyinkii ka dhacay dalka maalintii Axadda ahaayeen kuwo waxba kama jiraan ah.
Shacabka Reer Diredhaba oo lulayey boodhadh ay ku qornaayeen "Tixgali Codkeena" ayaa isugu yimid stadium-ka magaallada.
Masuuliyiinta magaallada oo ay hogaaminayeen mudane Cabdi Abubakar iyo mudane Adan Farax, oo ka kala socday EPRDF iyo SPDP, ayaa shacabka la hadlay, iyagoo uga mahadceliyey codeyntii ay u codeeyeen laban xisbi.
wabishabeele.com |

Bahda Togaherer iyo Akhristayaashuba way salaaman yihiin.
Qeybtii Kowaad.
Xooluhu waa doog ku nool, dadkuna waa war ku nool, waa suugaan hore oo nin waxgarad ahi uu war kula baxaayey, ujeedo ruux xogagaal ah ayuu war ka raadinaayey, sidoo kale dunidan horuu martay wareysi iyo saadaalin ayey daraasadaha ku sammeyaan, haddaanay faa’iido iyo ogaalnimo badani ku jirin way ka hadhi lahaayeen, wakhtina kumay lumiyeen. Haddaan u soo dego go’aan qaadashadii qoraalkeygan “Waxaan la hureynin horaa loo yeelaa”, ayuu ka dhigan yahay. Sidaad mawduuca aad ka fahmi kartid marwaa duco, marnawaa deeq, marna waa doorasho, marna waa digniin, marna waa daryeel, marna waa dembi sheeg, marna waa daacad sheeg, waxaa kaloo uu bayaaminayaa in wax laysku cabiraayo ama lays barbar dhigaayo sida laba walaxood ama laba fir, ama laba isir, ama laba nooc, ama laba qof iyo in ka badanba.
Gudagalka warkayga aan ka bilaabo sidan: Masuuliyadda ruuxa bini-adamka saaran ayaa u baahan daryeel iyo dulqaad lagu hanan karo badbaadadeeda, kobcinta iyo ka midha-dhalinta danaha lagu faa’iidi karo muddo dheer. Waxay leedahay laba qeybood oo kala ah masuuliyad joogta ama hiyiga taagan iyo masuuliyada maqane ah ama hiyiga durugsan.
a). Hiyiga Taagan waxaa lagu fuliyaa arin iyo ansixi, aragti iyo adeeg, amar iyo awood, iskaashi iyo itaal, anfac iyo adduun, af iyo adin, abbaan iyo ergo, aqoon iyo afgarasho, anshax iyo asluub.
b). Hiyiga Durugsan waxaa lagu raadiyaa sirdoon iyo sabaaleyn, sahan iyo socod, seef iyo samir, saad iyo sooryo, siyaasad iyo samo, saxiib iyo sumcad, saadaal iyo summad, seyme iyo sigasho, sad iyo sacab.
Ku tusay oo kuu tilmaamay, turjubaana uma baahna afka hooyo, hayeeshee “Muruqa laba suul ninba si ku ah”. Haddaan kuu saro ama kuu saafo ahmiyadda ugu weyn ee qoraalkan igu kaliftay waa damiir waddani ah iyo damqasho waayeel, labadan han ee hiyiga taagan iyo hiyiga durugsan waa dareen aan ku saadaalin doono qoraalkan oo leh dareemo kala duwan oo dhambaalkani xambaarsan yahay inkastoo aan lagu kala tegeyn danta guud, waa laga hadlayaa, la faaleynayaa, laga doodayaa, laga tashanayaa, laysaga tanaasulayaa xaajooyinku haday ismarwaa la soo derso, waana lagu tartamayaa, hadalka ma dhaafaanka ahi waa ” Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo”, ruux kasta oo waddaniya sidiisa ayaan jecelahay inaan saadaasha ka faalloodo, garashaday ayaan cabirayaa marna ujeedadeydu maaha allena kama dhigo fidno ama aan toosinayo balaaya huruda, kutalgalkeygu waa siday iila muuqato ayaan erayo ka odhanayaa.
Masuuliyada Hiyi Taagan: hada waa la soo dhaafay faaleynteeda oo wakhtigaa kaabiga ku haya markii doorasho lagu kala bixi lahaa, waxaa kaloo muhiim ah ninkii masuulka ka ahaa samo iyo xumo, sad iyo samir,wuxuu taagan yahay tartankaan ku jiraa muddadii aan xilkan hayeyna guul iyo horumar ayaan soo hooyey, nabadii waa fiican tahay, ciidankii xadkii wuu dul fadhiyaa, doorashooyinka oo dhan waan suurto geliyey, ictiraafkiina doorashadan ayuu ku xidhan yahay siday u dhacdo, horumar badan way sameysay dawladeydu, codkaa dadweynaha ayaa ku qancaa, mucaaridkii haddaad tihiin horena waan idiinka guuleystay hadana diyaar ayaan ahay, barmaamijkeyga hiyiga durugsanina waa ii diyaar, garoonkii waa diyaar taariikhda suntan ayaa inoo ballana ee xulbad iyo xabaasuud waxaad heysaan isku soo dara. Sidaa waxaa u hadladay UDUB.
Rag talo kama dhammaatee ragii doorkii hore laga badiyey ayaa maantana taagan, taariikhdu may sheegin lama soo rogaal celin karo, tolow diyaar ma yihiin, mise waxay leeyihiin shalay ay naga hoostaye maantaaba loo wada joogi, sidaa mucaaradku way ka middeysan yihiin, waxayse ku kala taganyiin habka iyo nidaamka ay ku tartamayaan, aadna way u kala durugsanyiin. Waa Kulmiye iyo Ucid.
Kulmiye ayaa wuxuu taagan yahay muddadii xilka aad heysay iyo intaad meermeerinaysaba Udubow wadanka iyo ummadaba way ku eedeen, wax muuqda ood u qabatay ma heyno, doorashada horena anigaa u tudhay dalka oo kaaga tanaasulay ee xaq umaad laheyn waanan kaa helay, haddana wadanku wuxuu u baahan yahay waxqabad dhab ah kulmiye ayaa u diyaara inay nidaam siyaasadeed oo adduunyadu fahmi karto ku hagaan dalkan, dawladan Burco aad soo gaadhsiin kari weyday siddeeda sano miyaad leedahay waxbaan qabtay, dadkii wuu ku bartay waana doorkayagii ee waa inoo garoonka iyo goobta tartanka, hiyiga durugsan ee Kulmiye markaan kursiga fadhiisto ayaad arki.
UCID waa diyaar, halse aan ku idhaahdo Udub haddaad tahay waa gar doorashada inaad u tartantaa oo wadanibaad tahay dawse maaha inaad hantida ummadda ku ololeysaa adigoo isticmaalaya gaadiidkii, lacagtii, radio-gii, tv-gii qaranka wasaaradii dalka iyo booliskiiba, intaasiba waa qalad ummaddaanay ka dhaxeeyaan, ta ciidanka ilaa hadda ayaa sameyn kari weyday dalaacad iyo darajo, Ucid ayaa ka warheysa oo booqata xaqooda iyo mushaaradoodana intaa ka hadasha, ta nabadgeliyada dadkaa keensaday, ta doorashooyinka inta badan Ucid ayaa ka soo dhameysay maalgeliyayaasha, isku soo wada duubo barmaamujkii Ucid dadku way ka dheregsan yihiin inuu hadaf iyo himilo waxqabad leeyahay, waana inoo barta shiishka iyo maalinta doorashada. Midna wayga dardaaran xukuumadaadu faragelinta haka deyso guddiga doorashooyinka ee Komishinka, kuna dadaal xasiloonida idinkiyo Kulmiye barmaamujkiinii waxaa ku talagasheen soo bandhiga, xaqdhawrka codka dadweynuhuna ha ku dhiibtaan xornimo, xaq iyo xallaalna haku dhammaato tirintu, waxaan ku kalsoonahay guddiga doorashooyinka ee komishinka hawlgalkooda iyo go’aankoodaba.
Akhristow adiguba waad ogtahay inaanay gari laba nin kawada qoslin, anigu sharciga waxba kamaan qorin waxaanse u dhuun-dalloolaa siduu u qoran yahay, guushuna hal-dheeriga ninkii codka ku hela ayey raaceysaa, sidaas darteed haddaan codka lagu badinaayo uu keyga ahaan lahaa waan aqaanaa xisbiga iga galabsaday, waanan ku bartay sifihiisa, sumcadiisa, saadaashiisa, sahankiisa, sarbeebtiisa, saafidiisa, socodkiisa, sahaydiisa iyo sooryadiisa oo gobonimo, caddaalad iyo sinnaan ay iiga bidhaameen. Hawl dhib yar maaha saadaalintu wuxuu musharax walba ka qaban karo masuuliyadda danta hiyiga durugsan, haddaba la soco taxanahan waxa laga maleysan karo saddexda musharax mid kasta.
Haddaad xiiseyneyso la soco beri qormada labaad.
Qalinkii,
Abdihukun Ali Handulle.