Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
Col Axmed Maxamed (Dalbac) oo gaadhay degmada Buuhoodle,iyo xaaladii ugu danbeysey ee Buuhoodle.
Posted: 5/26/2010 9:20:00 PM
Baadiye: AFNUGAAL

Col Axmed Maxamed Aadan Guul(Dalbac) iyo ciidan uu wato ayaa shalay gaadhay degmada Buuhooodle,isagoo ay weheliyaan ciidan aan sidaas u badnayn iyo gawaadhida tiknikada loo yaqaan,wuxuuna shirar la leeyahay odayaasha iyo waxgaradka magaaladaas,iyagoo ka wada hadlaya sidii loo qaboojin lahaa xaalada amaan ee deegankaas,isla markaana loo wada hadli lahaa.

Imaanshaha Dalbac ee Buuhoodle ayaan wax isbedel ah magaalada ku samayn,iyada oo ay halkaas horay ugu sugnaayeen qar ka mid ah madaxda hogaanka SSC,sida Xagla-toosiye iyo kuwo kaleba,waxaase magaalada weli ka maqan boqolaal dadkii magaalada degenaa ah,kuwaasoo u qaxay tuulooyinka ku xeeran magaalada.

Waxaa sidoo kale iyaguna ku sugan magaalada wafti ka yimid dhinaca Garoowe oo ay ka mid yihiin wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Puntland,kuwaasoo asal ahaan ka soo jeeda degmada Buuhoodle,waxayna xalay wareejiyaan qoryihii itoobiyaanka laga qabsaday badankoodii,iyadoo ay weheliyaan odayaasha degmada.

Taliyaha Qaybta Bilayska magaalada Buuhoodle ee Somaliland Cabdikariim Ismaaciil ayaa noo sheegay in xaaladu hada ka soo raynayso,wuxuuna noo sheegay in ciidamo badan oo ka mid ah Itoobiyaankii ay durba guureen.

" Nabada magaaladu hada waa ka soo  raynaysaa, arimaha ay u yimaadeen Buuhoodle ayaa ugu weyneyd arimha doorashadii ka dhacaysey Itoobiya,doorashadiina waa u dhamaatay hada,markaa inay dhamaan ciidamadooda la baxaan baan filaynaa,iyagana maanta ayaan ka filaynaa inay soo wareejiyaan gawaadhidii ay haysteen"sidaas waxaa yidhi Taliyaha Qaybta Bilayska magaalada Buuhoodle ee Somaliland Cabdikariim Ismaaciil oo aan la xidhiidhnay isaga oo ku sugan degmada Buuhoodle.

Dhanka Itoobiyaanka ayaan ilaa iyo hada qaadin talaabo fiican oo aanay weli sii dayn gawaadhidii iyo waxyaabihii kale ee ay dadka ka qabsadeen,arintaas oo ay balan qaadeen inay fulin doonaan.

Waxaa dhamaan dadka reer Buuhoodle isha ku hayaan talaabada ay qaadaan ciidanka itoobiyaanka ah,oo 8 qori loo keenay,meesha hal qori la waayey.

Dhanka kale waxaa sida ay noo xaqiijiyeen dad xog ogaal ahi wadahadal khadka taleefoonka ah yeeshay shakhsiyaad ka mid ah hogaanka SSC iyo saraakiisha iyo madaxda Somaliland,iyaga oo ka wada hadlay in colaad ka dhacda deegaanka Widhwidh la baajiyo,oo arimaha deegaankaasna lagu xaliyo si nabadeed.

Ilaa iyo hada ma cada waxa laga wada hadlay,iyada oo la xaqiijiyey inay jiraan dhaqdhaqaaqyo nadabeed oo ay odayaal labada dhinac u kala dab qaadayaan.

 Col Dalbac iyo Col Tuur oo ka tirsan ciidanka Somaliland oo Buuhoodle soo gaadhay.

 Saraakiisha ciidanka oo jooga duleedka Buuhoodle.

 Col Dalbac iyo Col Tuur iyo saraakisha kale ee ciidanka



Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival