Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
Ogeysiis: Bulsho weynta Somaliland waxa lagu wargelinayaa in La qaban doono xus taariikhi ah oo ku saabsan Halgankii SNM
Posted: 5/26/2010 9:25:00 PM
Baadiye: LONDON
Ogeysiis: Bulsho weynta  Somaliland   waxa lagu wargelinayaa in La qaban doono xus taariikhi ah oo  ku saabsan  Halgankii  SNM  (gudagalkii Wadanka).
Sabtida,  29 May 2010 - 4-9pm
Oxford House, Derbyshire Street , E2 6HG.


  Jaaliyadaha Somaliland ee London waxay si wada jir ah kuugu martiqaadayaan maalinta Sabtida, 29ka Meey 2010, Xuska Guda-galkii Waddanka, 1988. Waa kulan isugu jira aqoon iswaydaarsi iyo xus taariikheed oo lagu lafa guri doono dhacdooyinkii ku xeernaa ayaamihii ururkii Somali National Movement (SNM) ay go'aansadeen inay soo galaan gudaha waddanka ee sannadkii 1988-kii. Sida taariikhdu dhigayso, laga soo bilaabo siddeedankii,
 
maamulxumada, xaqdarrada, xorriyad la'aanta iyo axmaqnimada baahday ee uu ku kacayay maamulkii kali-taliska ahaa, waxay keentay in ummadda Somaliland ay la soo daristay xaalad adag oo leh xadhig, dil, dulmo iyo xaqdaro fara badan oo aan lasoo koobi karin. Arrintaasi waxay sababtay in 6dii abriil 1982 lagu dhawaaqo urur waynihii SNM oo la abaabulo kasoo horjeed hubaysan.  Kadib markii lagu jiray dagaal debedyaal ah muddo 6 sanadood ah  27kii May 1988, waxay ciidammadii SNM si badheedh ah usoo galeen, dibna u xoreeyeen, magaalooyinkii waawaynaa ee Somaliland .
 
Magaalooyinkaas oo ay ugu horeysay magaalo madaxda labaad ee waddanka, Burco, oo lasoo galay 27kii  Meey, dhawr casho kadibna waxaa dib loo galay magaalo madaxda Hargeysa, 31 meey Halgankaas iyo dib u xorayntaas oo ku soo afjarmay ku dhawaaqida dib ula soo noqoshadii Somaliland, 18 May 1991, waxa farxad ah in bishan  loo dabbaaldagay 19 tobban-guuradiisii.

Fadlan kala soo xidhiidh wixii faahfaahin ah:
Maxamed Yusuf 07946363211 ama Maxamed casayr  07534876005




Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival