Baadiye: HARGEYSA
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan xubnaha Xisbiga iyo taageerayaashaba, waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuun Suldaan Sulub Nuur Warsame oo xalay 26/05/2010 ku geeroyooday Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudi arabiya.
Guddoomiyuhu waxa ilaahay uga baryayaa inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo marxuunka, samir iyo iimaana eheladiisa ka siiyo.
Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajucuun
Md. Axmed Maxamed Siilaanyo
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE
Xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE
Somaliland, Hargeysa
Headquarter of KULMIYE Party
Somaliland, Hargeisa