Baadiye: HARGEYSA
Aqoonyahano,Siyaasiyiin,dhalinyaro,caaqilo iyo waxgaradka beelaha Bahamuuse ayaa maanta casuumad qado sharaf ah ku qaabilay saraakiisha madaxda ka ah Ol-olaha doorashooyinka Xisbiga mucaaradka awoodda badanle ee Kulmiye.
Kulankan qado sharafka ah ee ay beelaha Bahamuuse iyo xibiga Kulmiye isku wajaheen waxa uu ahaa mid isyaasadeed isla markaana ay beelaha Baha Muuse ugu muujinayeen Xisbiga Kulmiye inay wali sidii hogaanka ugu hayaan taageerada xoogga leh ee ay beelahaasi u hayaan xisbigaasi.
Dhanka kale saraakiisha kulankaasi beelaha Bahamuuse kala qaybgalay ee Kulmiye waxaa kamid ahaa Baashe Cabdi Gaboobe Gudoomiyaha ol-olaha ee Kulmiye u qaabilsan deegaanada galbeedka Somaliland,
Waxaa kaloo iyana shirkaasi kasoo qaybgalay xoghayaha maaliyadda ee xisniga Kulmiye Maxamed Cabdi Iskeerse iyo xubno kale.dhanka beelaha Bahamusana waxaa shirkaasi kasooqaybgalay dhamaan qaybaha kala duwan ee aan xagga hore kusoosheegnay.
Cusmar Xasan Axmed oo kamida aqoonyahanka beelaha Bahamuuse isla markaana kamida qurbojooga reer Somaliland ee dhawaan kaasoo laabtay dalka dibadisa gaar ahaan cariga Ingiriska ayaa ugu horeyn shirkaa hadal kooban kasoo jeediyey waxaanu sheegay inaanay beelaha bahamuuse hadda ahayn kuwo kusoo biiraya Xisbiga Kulmiye balse ay kamid ahaayeen dadkii ugu horeyey ee taageeray siyaasadda Xisbiga.
Cumar Xasan waxa oo arimahaa ka waramayaana wax uu yidhi “waxaan marka hore aad usoo dhawaynayaa madaxda sare ee kasocota Xisbiga Kulmiye balse waxaan u sheegayaa inaanay beelaha bahamuuse ahayn kuqo la odhankaro hadday kusoo biirayana Kulmiye laakiin waxaanu garanay inaanu markale xisbiga u muujino inaanu sidii ula barbar taaganahay taageeradayadii hore”
Intaa kadib waxa uu hadlka kusoo dhaweeyey dhinaca Xisbiga Kumiye waxaana halkaa ka hadlay midkamida masuuliyiinta xisbga ee dhinaca ol olaha u qabailsan waxaanu ka waramay taariikhda dheer ee ay beelaha bahamuuse kuleeyihiin magaca reer Somaliland waasida uu hadalka u dhigaye.
Waxaa isna halkaa erayo waano iyo ducaba siugujiray kasoo jeediyey midkamida odayaasha beelaha bahamuuse oo magaciisa la yidhaa Cali Yoonis kanamid ahaa dadkii xaadirka u soo ahaa dhamaan dowladihii hore ee soomaray Somaliya.waxaa isna halkaa ka hadlay Iid Adan Cali oo kamida ganacsdatada beelaha bahamuuse.
Waxaanu sheegay inuu kamid yahay dadka aadka u nasiibka badan ee waayo aragga ah, waxaau kula dardaarmay inay ilaaliyaan waxkasta oo lagu gaadhayo guusha uu xisbiga Kulmiye daaqaddda ka eeganayo.waxaa isna halkaa ka hadlay Maxamed Cabdi Iskeerse waxaanu sheegay sida masuulkii ka horeeyey inay beelaha bahamuuse Somaliland ku leeyihiin taariikh soo jireen ah.
Dhanka kalana waxa uu sheegay inay beelahaasi balaadhan yihiin isla markaana ay yihiin kuwa kaliya ee Djbouti iyo Ethiopia labadaba qaybtooda kaqaata xagga mansabka siyaasiga ah “dee waad lasocotaan oo beelaha bahamuuse waa beelobalaadhan oo ilaa Djbouti iyo Ethiopia-ba waad ku jirtaan siweyn baanad uga muuqataan oo ilaa CABDI MAJIID XUSEEN baaba idinka dhashay” ayuu yidhi Iskeerse.
Waxaa isna halkaa ka hadlay gudoomiyaha ol-olaha galbeedka Kulmiye Baashe Cabdi Gaboobe waxaanu ka waramay sida Iskeersaba sheegay inay beelahaasi kamid yihiin dadka taariikhda dheer ee soo jireenka ah kule Somaliland.
Dhanka kalana waxay masuuliyiinta xisbiga Kulmiye aad ugu amaaneen beelaha bahamuuse siday dhalinyaro iyo waayeelba isugu xidhanyihiin “waxaa iiga kiin muuqada inaydaan lahayn odayaasha lagu naanayso Koofiyad baclaha nadiifna xaggaa aad katihiin ee dhalinyaradiina la shaqeeya uu ku taageera waxa fiican ee ay wadaan”ayuu yidhi.
Waxaa isna halkaa ka hadlay Maxamed Ilakacase waxaanu sheegay inay soo dhaweynayaan sida qiimaha leh ee ay beelaha bahamuuse u maamuuseen Xisbiga Kumiliye gaar ahaan intoodii kasoo qaybgashay kulankaasi.
Waxaanu madaxadii iyo aqoonyahankii beelaha bahamuuse ee shirkaa kasoo qaybgalay ku dhiiri galiyey inay dhinaca kaqabsadaan siyaasadda xisbiga isla markaana ay qaybtooda kaga raadsadaan tab I yo xeelad midkii ay kaga qaadan karayaamba maadaama uu hadda xisbigu kujiro xili ay dadku gaar ahaan madaxda sare aad u mashquulsan yihiin.
Ugu dameyntii waxaa halkaa erayo dhiiri galin ah kasoo jeediyey Jiif-Caaqilka guud ee beesha Afgaab Muuse Jiif Caaqil Baaruud waxaanu sheegay inay dhamaan beelaha bahamuuse oo dhami taageersan yihiin Xisbiga Kulmiye horeyna ay u taageersanaayeen.
Waxaanu Caaqilku shgeegay inay jiraad dad waaweyn oo magic iyo mansaba ku leh xisbiga talada dalka haya ee UUDB inay dadka dagan xaafada uu daganyahay si hoose taageero uga raadinayaan “adeer waxaanu ognahay dadwaaweyn oo aanu garanaynayno oo magic iyo mansaba ku leh UDUB oo maalin iyo habeemba dadka daaqadaha kala hadlaya oo leh intiina reer hebal ahi kalaya”ayuu ydihi Caaqil Baaruud.
Kulankaasi oo ku soo gabagaboobay sidii loogu talo galay labada dhinacba waxay muujiyeen dabacsanaan iyo wada shaqayn dhexmarta inay diyaar u yihiin.