Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
Wasiirkii Maaliaydda TFG Shariif Xasan Sheelkk Aadan oo sieyn ugu guulaystay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya
Posted: 5/28/2010 10:41:00 PM
Baadiye: MUQDISHO

Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa maanta loodoortay inuu noqodogudoomiyaha cusub ee golaha paarlamaanka Somaliya,Shariif Xasan waxa uu jagadaasi horey usoo qabtay markii lasoo doortay Dawladii uu madaxda ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmedc ee lagusoo doortay magaalada Eldoreet ee dalka Kenya muddo haatanlaga jooga 5 sanadood ka hor.

 

Markaa kadib Shariif Xasn waxa uu la kulmay caqabado farabadan oo ay kamid ahaayeen ninka uu hadda jagadaa inu isagu ka tuuray sida wayn loo aamisan yahay ee sheikh Aadan Madoobe oo xiligaa ay aad iugu fakir dhawaayeen Madaxweynihii hore ee jagadaa laga tuuray Cabdullaahi Yuusuf Axmed kadib markii ay isku dhaceen isaga iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka ee xiligaa oo ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan.kadibna wixii xiligaa ka dambeeyey waxa u ku biiray mucaaradkii ku bahoobay Baarlamaanka xorta ah ee fadhiisinka ka samaystay dalka Erteriya.

 

Shariif Xasan waxa uu kamid noqday dadka aadka ay isugu dhawyihiin Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xligaa ahaa gudoomiyihii Maxkamadaha Islaamka ee awoodda lagaga muquuniyey fara ku haynta caasimaddii Muqdisho ee ay ka xoreeyeen dagaal oogayaashii dhiigya cabka ahaa.

 

 

Intaa kadib waxaa uu kamid noqday xubnaha golaha Wasiirada Dawladda haddajirta ee uu hogaanka u hayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee aan tabarta lahayn isla markaana cabaqadaha waaweyni kaga imanayaan kooxaha Alshabaab iyo kuwo kale oo diidan siday wax u dadaan.

 

Shariif Xasn oo ahaa wasiirkii maaliyadda Dawladda TFG waxay dad badani maanka ku ahayaan inuu isagu ka dambeeyey ol-olihii lagu qaaday gudoomiyihii isaga jagada loogaqaaday ee sheikh Aadan madoobe inuu mar uun hifaha u qaadidoono isaga oo kaga aargudanaya tii barigaa hore uu ku sameeyey markuu ka raacay ninkii ay sida wayn isu hayeen ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Waxaanu todobaadki ina dhaafay si rasmiya ugu dhawaaqay inuu u taaganyahay isla markaana yahay musharax quudaraynaya jagada uu baneeyey Aadan Madoobe oo isla todobaad kahor jagadaa laga caydhiyey.

 

Waxaana maanta cod aqlabiyad ah loogu doortay inuu ahaado gudoomiyaha cusub ee Barlamaanka Somaliya ee aan awoodda badan lahayn ee magac u yaalka ah,waxaanu gudoomiyaha cusub ee aghayeenka Baalamaanka Somaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan kaga guulaystay ragg door ah oo jagadaasi kula loolamayey.

 

Waxaana xubnahaasi kamid ahaa Cabdi Xaashi oo ahaa ninkii ugu soo dhawaa ee la tartamayey waxaanu Shariif Xasan kaga guuleystay 217 cod halka uu Cabdi Xaashina ka helay 143 cod oo kaliy sidaana waxa uu Shariif Xasan ku xalaashaday jagada gudoomimye nimada golaha Baarlamaanka Somaliya.waxaanusheegay inuu waxbadan ka qaban dooo shaqada guracantay ee golaha Baarlamaabka loo doortay.

 

Balse waxay dad badani maanka ku hayaan inay horyaalaancaqabado aanu ka tabarinkarfayn hadiiaanu ilaahay u fududayn taasina kamasoo muuqato xaaladda cakiran ee dalka Somaliya haatan ka taagan sidaa daraadeed bal waxaan eegi doonaa waxa uu kabadaloxaaladda cakiran ee dalka Somaliya gaar ahaan khilaafka iyo colaadda hadheesay xubnaha  baarlamaanka dhexdooda



Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival