Baadiye: DIJOUTI
Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ah nin ganacsade weyn ah,oo dhaqaalaha badanaa sameeyey wakhtigii ka danbeeyey burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya,ayaa mar kale loo doortay inuu noqodo afhayeenka Baarlamaanka Muqdisho,iyadoo arintaas uu ku helay si sahal ah,iyadoo ragii la tartamay ay is casileen maalintii doorashadii bilaabatay.
"Doorashada" mar kale la doortay Shariif Xassan ayaa dadka soomaaliyeed ee rajo ka qabay inay mar uun wax hagaagaan ay candhuuftoodii dib u liqeen,kadib markii si yar kursigii looga qaaday gudoomiyihii hore Sheekh Aadan Madoobe,kadibna ra'iisul wasaarihii inta la eryey,dhowr maalmood kadib la soo celiyey,iyadoo ujeedadu ahayd in Mr Madoobe horta booska laga qaado,oo odaygan loogu baneeyo,arintaasoo si khayaamo ah loo qanciyey Madoobe,oo lagu yidhi Cumar C/rashiidna waa eryeynaa,arintaas oo uu ku qancay,balse la soo celiyey ilaa maantana uu jagadii hayo inkastoo sida hada xamar ka socota aanu kurisigaas ku sii raagayn oo madaxweyne Shariif uu shirar wadatashi ah la yeelanayo ragii booskaas buuxin lahaa.
Markii kursigii loo baneeyey Shariif Xassan ayuu iska casilay xilkii wasiir ee uu hayey,waxaana markii uu yimid baarlamaanka lagu soo dhoweeyey damaashaad iyo siidhi iyo qoob ka cayaar,waxaaana si sahal ah loogu dhawaaqay gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka kadib 6 sanadood oo uu kursigaas moogaa.
Shariif Xassan ayaa shirkii Nayroobi sidan oo kale loo dhiibay kursiga baarlamaanka,waxaana uu xilkaas hayey ilaa ay soo baxeen maxaakiim xoog weyn oo soo weerartay xaruntii dawlada ee Baydhabo,waxaana intaan Shariifku ku biirin kooxdii maxaakiimta ee Muqdisho uu ansixiyey in ciidamo ajaaniib ah oo xataa ay ka mid yihiin kuwa Itoobiya ay soo galaan Soomaaliya,arintaas markay dhacdayna wuxuu ku biiray qolyihii uu ciidanka u dalbay,isagoo markii danbe ka mid noqday mucaaradkii isku urursaday magaalada Asmara ee dalka Ereteriya,halkaas oo ay si fiican ugu saaxiibeen,saaxiibkiisa qaaliga ah ee madaxweyne Shariif Axmed,iyadoo meelo badan uu Shariifku ka sheegay inay is dhaarsadeen labada Shariif,ayna awooda wadanka haysan doonaan mudo dheer.
Shariif Xassan ayaa waxa la aaminsan yahay sababta ugu weyn ee xilka gudoomiyaha baarlamaanka loogu dhiibay ay tahay inuu ansixiyo heshiisyo caalami ah oo socon waayey oo ay ka mid tahay heshiiska bada u dhexeysa Kenya iyo Somaliya oo baarlamanaku horay u diiday,iyo weliba in xilka ka sii dhamaanaya madaxweyne Shariif Axmed loo kordhiyo 5 sano oo danbe,iyo in ra'iisul wasaare kasta ay uga takhalusaan si fudud,kaas oo ugu horeeyo ina C/rashiid.
Labada Shariif ee awooda dalka qaybsaday ayaa dadka siyaasada soomaaliya indha-indheeyaa ku tilmaameen kuwii ugu xumaa abid ee taariikhda soomaaliya soo mara,iyaga oo laga cabsi qabo inay dhamaan wadanka iibiyaan,ama u gacan geliyaan awoodo shisheeye,iyaguna ay ka urursadaan dhaqaale badan oo awood u siiya inay adkaystaan kuraastooda mudo dheer.
Arintana yaa waxa la aaminsan yahay inuu injineer ka yahay odayga Qaramada midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya Weled Cabdalla,oo isna dhaqaale badan ka sameeyey Soomaaliya,isla markaana qayb weyn ka qaatay in wadanka Soomaaliya halkaas gaadho.
Waxaa dadka soomaaliyeed indhaha ku hayaan talaabooyinka uu qaadi doono Sharif Xassan wakhtiyada inagu soo fool leh,iyo in xildhibaanada sacabka tuma ee metela wadanka Soomaaliya uu siin doono mushaharadoodii iyo inay noqon doonaan kuwo si fudu u fuliya hawlaha ay wataan labada shariif.
Hassan Dirie Jama.
Contact:xassand2000@yahoo.com
djibouti