Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
Xisbiga Kulmiye oo xaflad balaadhan kusoo dhaweeyey Beelkamida beelaha deegaanka Hagreysa[reer shirdoon]
Posted: 5/30/2010 10:59:00 AM
Baadiye: HARGEYSA Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa maanta xaflad ballaadhan oo soo dhawayn ah ku qaabilay taageerayaal xoogan oo ka soo jeeda Beesha reer Shir-doon [Sacadmuuse], kuwaas oo daboolka ka qaaday inay taageradooda ku biirinayaan xisbiga KULMIYE.

Taagerayaashaas oo  xaflada soo dhawaynta ah loogu qabtay xarunta dhere ee xisbiga KULMIYE, ayaa waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiye ku xigeenka 1aad Muuse Biixi Cabdi, Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, Odoyaasha iyo masuulitiinta beesha reer Shir-doon iyo dadwayne aad tiradoodu  badnayd.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo halkaas dadka uga jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysay, ayaa muga had-celiyey sida wax-ku-oolka ah ee ay taageradooda ugu soo biiriyeen xisbiga KULMIYE.

Gudoomiye Siilaanyo waxa uu sheegay inay Xisbigii UDUB uu meesha ka baxay, “Walaalayaal waxaan idin sheegayaa in Xisbigii UDUB uu meesha ka baxay oo burburay, cida inala tartamaysaa waa Dawladii oo sidaa walaalkay Muuse Sheegay aan sharcigu u ogalayn inay xafiisyada ummada ku olaleeyaan. Walaalayaal hadaad codkiina iigu ridaan wax badan ayaan idin qaban doonaa sida aad ka akhrisateen  barnaamijka Xisbiga KULMIYE.

Waxa kale oo uu dadweynaha ku booriyey inay nabadgelyada ilaaliyaan oo marka la gaadho xilliga doorashada inay si degen codkooda u dhiibtaan, isla markaana ay taageeradooda sii xoojiyaan.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Raga maanta nala tartamayaa waa Wasiiro iyo Xubno kale oo shaqaale dawladeed ah oo aan sharcigu u banayn  inay xafiisyada ummada cid ugu olaleeyaan, waxaanse idin sheegayaa inay UDUB meesha ka baxday oo aanay jirin.”

 

Waxaa uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Qoladaa wasiirada ah waxaan leeyahay anagaa dhawr jeer dhacnay oo  hadana waanu nool nahay, markaa soddon sanadood ayaan mucaarid ahaa ceebna kuma qabo ee waxaan leeyahay wuxuun baydun cuniye qalaanqalka inaga daaya. Dadwaynaha waxaan leeyahay doorashadaa aynu si nabad  ah u galno oo iska ilaalino danbaabudha UDUB iyo qoladaa xukuumada, qolada maanta xisbiga taageerada u muujinaya aad baan u soo dhawaynayaa.”

Oday Maxamed Cabdi Muxumed oo ku hadlayay maga beesha ku soo biirtay xisbiga KULMIYE oo halkaas ka hadlay, ayaa hoos ka xariiqay inay beel ahaan go’aan ku gaadheen inay taageeradooda ku xoojiyaan Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga KULMIYE.

 

 


 





Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival