Baadiye: JAMHUURIYA
Xisbiga UDUB oo aan ilaa hadda soo Bandhigin Barnaamijkiisa Siyaasadeed iyo Komishanka oo ku Dhawaaqay Maalinta Ololaha
“Waan in masuuliyiinta, badhasaabada iyo maayarada degmooyinka iyo gobollada joogaa ay u hawlyareenaan xisbi waliba maalinta uu leeyahay. Ciidamada Somaliland waxaan leeyahay ammaanka ilaaliya oo xisbiyada dhex u ahaada”
“Haddaba haddii doorashada madaxdu khiyaamo gasho oo khiyaamo qofku kursiga ku fuulo ummaddu gebi ahaanba waxay noqonaysaa mid wadadii ka baydhay, mana mahadinayaan madaxda ay khiyaamada ku doortaan”
Afhayeenka komishanka doorashooyinka
Hargeysa (Jam)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay waqtiga uu furmayo ololaha xisbiyada siyaasadda eek u loollamaya doorashada Madaxtooyada ee u qoondaynsan 26-ka bisha June, iyada oo aan ilaa hadda xisbiga tallada haya ee UDUB aanu soo bandhigin barnaamijkiisa siyaasadeed ee dalka ku hoggaamin doono hadii uu doorashada ku guulaystay, balse ay labada xisbi mucaarid barnaamijyadooda u so qadimeen bulshadda reer Somaliland.
Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo shalay shir jaraa´id ku qabtay Huteelka Imperial ee Magaalada Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday in ololaha xisbiyada ee doorashadu uu bilaabmayo 3-da Bisha June oo ah maalinta Khamiista ee toddobaadkan.
“Ololaha axsaabta ee doorashada Madaxtooyadu waxa uu si rasmi u bilaabmayaa maalinta Khamiista ah ee bisha June tahay 3-da, waxaannu dhammaanayaa maalinta Arbacada ee 23-ka June, waxaannu soconayaa 21 maalmood, halkii markii hore uu ka ahaa bisha,” ayuu yidhi afhayeenka komishanku.
Md. Geelle waxa uu sharraxay saamiga xisbi kastaa ku yeelan doono muddada ololaha iyo sida xisbiyadu u kala horreynayaan, waxaannu “Xisbiyada waanu u qaybinay waqtiga mid waliba bannaanbaxa samaynayo ee uu taageerayaashiisa la hadlayo, xisbi waliba toddoba maalmood ayuu yeelanayaa, laakiin aan isku xigin ee qaybqaybsan, bisha 3-deeda maalinta kowaad waxa ugu horreynaya xisbiga UDUB, maalinta ku xigta ee June 4-teeda KULMIYE ayaa yeelanaya, maalinta ku xigta ee bisha June 6-deeda UCID ayaa yeelanaya, wixii dambena sidaas ayey isku daba-soconayaan ilaa ay gaadho bisha 23-keeda. Waxa kale oo aannu qoraalkaas u qaybinay Guddiga Dabagalka iyo Hab-sami u socodka Doorashada iyo dhammaan guddoomiyayaasha ama maayarada dalka, waana in masuuliyiinta, badhasaabada iyo maayarada degmooyinka iyo gobollada joogaa ay u hawlyareenaan xisbi waliba maalinta uu leeyahay. Ciidamada Somaliland waxaan leeyahay ammaanka ilaaliya oo xisbiyada dhex u ahaada.”
Afhayeenka Komishanku waxa uu uga digay axsaabta siyaasadda in ololahoodu noqdo mid fowdo ah oo rabash sameeyo iyo in xisbina xisbi kale ka farogeliyo maalinta uu olalaha leeyahay, cidii xisbi kale buuq iyo rabash ku samaysana ay amar ka soo saareen oo tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
“Waxaannu ka codsanaynaa xisbiyada in mid waliba maalintiisa si habsami ah oo nabadgelyo ah oo aan turxaan iyo jiidhjiidh midna lahayn ay u gutaan bannaanbaxooda ay fariinta u gudbinayaan dadweynaha sida taageeradooda u kasbanayaan, waxaannu ka codsanaynaa xisbina in aannu xisbiga kale maalinta uu leeyahay ka farogelin oo aanu ku orin ama ka taataaban ee loo daayo oo wadada loo banneeyo, meeshay ka hadlayaan la eego oo la dhegaysto, waxaynu ku wadahadlaynaa waa isqancin iyo afkaar ee xoog iyo ismaquunin midna kuma kala helayno cod. Beryo dhawayd waxa dhacday in goobo xisbi leeyahay taageerayaal kale duulaan iyo rabash ku sameeyeen, taa amar baanu ka bixinay booliskuna tallaabo cad ayuu ka qaadayaa, qofka xisbi ah ee xisbi kale maalinta uu leeyahay farogeliya in tallaabo sharci ah laga qaado, waxaana masuul ka noqonaya xisbigaasi masuuliyiintiisa.”
Afhayeenka Komishanku waxa kale oo uu sheegay in hawshii qaybinta kaadhadhka cusub ay u hirgashay, isla markaana toddobaadka maalinta Isniinta la soo gebogabayn doono wejigii labaad beddelaada kaadhadhka.
Md. Geelle oo la su’aalay waxyaabaha gaarka ah ee ka reebban in xisbiyadu olalaha ku galaan, waxa uu yidhi; “Waxa ka reebban wixii sharcigu inaga reebay ee dastuurku inaga reebay ee ah olole qabyaalad, gobolaysi, cunsuriyad, iska horkeen ummadda ah, cunfi iyo gacan ka hadal ku salaysan. Waxa kale oo jira hab-dhaqan aannu xisbiyada ka saxeexnay oo ay doorashada ku gelayaan, waxaannuna u samaynay guddi la socota oo ah Guddiga Dabalgalka iyo Hab-sami u socodka doorashada.”
Mar la waydiiyey in codsi hore ay ugu gudbiyeen xukuumadda oo la xidhiidhay in la soo qabto dadka hal kaadh wax ka badan qaatay wax ka fuleen oo ay hayaan dad kaadhadh dheeraad ah haystaa, waxa uu ku jawaabay, “Codsigaasi waa mid taagan ilaa maalinta doorashadu inoo dhacayso in la qabto qofkii hal kaadh wax ka badan haysta waa dambiilee, in annaga uun nalagu eedeeyo oo la yidhaa nidaamkaa khalkhalsan maaha, dadweynahana waxaannu ka codsanaynaa qofka ay ogyihiin inuu dhawr kaadh qaatay inay soo sheegaan. Asalkaba madaxtinimadu waa arrin muqadas ah, waa mid kitaabkeenu ina faray, Nebi Muxamed (NNKHA) ayaa ina faray in aynu madax samaysano oo yidhi saddex qof haddii aad meel ku joogtaan nin amiir ka dhigta. Haddaba haddii doorashada madaxdu khiyaamo gasho oo khiyaamo qofku kursiga ku fuulo ummaddu gebi ahaanba waxay noqonaysaa mid wadadii ka baydhay, mana mahadinayaan madaxda ay khiyaamada ku doortaan, Nebiguna (NNKHA) waxa uu yidhi, “Qofka na khiyaameeyaa annaga naga mid maaha.” Markaa waxaannu dadweynaha kula dardaarmaynaa inta kaadhadhka dheeraadka ah qaadatay ee nidaamka ka siibatay inay iskood u joogsadaan, annagana jilayc nagama aha oo dad baaba nagu cannaantay oo yidhi dadkii baad leedihii Ilaahay ka yaaba, umad islaam ah haddii aanan ku odhan Ilaahay ka yaaba waxa ka wayn ee aannu odhan lahayn garanmayno, kii sidaa ku joogsanwaaya nidaam ayaanu annagu dhignay maalinta doorashada aannu ku xakamaynayno in aanu qofna hal mar wax ka badan codayn Karin.”
Afhayeenka oo la waydiiyey waqtiga ay soo saarayaan liiska kama dambaysta ah ee dadka ka qaybgala doorashada ee gobollada iyo degmooyinka dalka, waxa uu ku jawaabay, “Weli way socotaa kaadh bixintii oo Isniinta ayey soo xidhmaysaa, inay degdeg noogu soo xeroodaana waanu filaynaa, waxa jira dad badan oo aan kaadhkoodii helin iyagoo hore isku diiwaangeliyey oo laga saaray, kuwaas waxaannu siinay shahaadooyin xaqiijin ah, waxaannuna u soo samaynayaa kaadhadh cusub, dabadeedna waxaannu soo saaraynaa liiskii rasmiga ahaa ee doorashada lagu gelayey, sharcigu wuxuu noo fasaxayaa laba bilood gudahood doorashada ka hor in aanu soo bandhigno, markaa waxaannu ku talojirnaa laba toddobaad ka hor doorashada in aanu soo saarno, haddii ay ilaa toban maalmood ama toddobaad nala gaadhana waxa dhibaato ah oo ku jiraa ma jiro.”
Dhawaaqa ka soo yeedhay komishanka doorashooyinka qaranka eek u waajahan ololaha doorashada madaxtooyada Somaliland, ayaa ku soo beegmay waqti aanu xisbiga tallada haya ee UDUB ilaa hadda bulshada u soo bandhigin barnaamijkiisa siyaasadeed ee dalka ku hoggaamin doono iyo waxqabadkoodii mudadii ay tallada dalka gacanta ku hayeen, halka labada xisbi mucaarid ee KULMIYE iyo UCID y barnaamijyadooda siyaasadeed oo buuggaag ku qoran u soo bandhigeen bulshada reer Somaliland.