Baadiye: LUGHAYA
Munaasibadan oo ay soo agaasimeen dhamaanba garabka haweenka ee beelaha Habar Cafaan ee gobolada Awdal iyo Salal ee ay ku muujinayaan taageerahooda ku wajahan xisiga kulmiye ayaa ka dhacday xalay hotel rays ee magaalada Boorama
Munaasibadani oo ay isgu dhafnayd soodhawayn garab haween ah oo kasoo go ay xisbiga talada hada haya ee Udub iyo muujinta taageeraha garabka haweenka ee beelwaynta Habar Cafaan ayaa kasoo qayb galeen inkabadan haween tiro buuxuyay daafaha holka wayn ee hotelka ugu wayn magaalada Boorama ee rays.
Taageeraha garabka haweenka ee xalay lagu qabtay munaasibada ayaa waxaa kala soo qayb galay xubno katirsan garabka haweenka ee xisbiga kulmiye marwada musharaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga kulmiye halkaasi oo ay kaga hadleen dhamaanba taageeraha xisbiga hada ku soo biiray iyo kuwan hada kusoo foodle ee doonaya inay hada kusoobiiraanba waxaanay ugu bishaareeyeen inay kusoo dhawayn doonaan gacmo furan iyo waji furanba.
Waxaa kale oo Madashaasi ka hadashay hogaanka garabka isbadaldoonka ah ee kasoo diga rogtay xisbiga hada talada haya e udub Radwa Maxamad Cilmi oo ugu baaqday inay caawa laga bilaabo la shaqayn doonto iyada iyo Taageeraheeduba ee xisbiga Kulmiye , Radwa waxaa ay intaasi ku dartay in ay ahayd xubin ka mida xubnaha maamulka ka hayay xisbigii hore ee ay ku jirtay ahaana mid qaran kan hada aan hada ku soo biirayna yahay mid la mida loona baahan yahay inlaga wada shqeeyo nabada dalka iyo dadkaba.
Waxaa kale oo iyana ka hadashay gudoomiyaha garabka haweenka ee xisbiga kulmiye Marwo Amaal Xaaji Axmed Miisaan oo dareenkeeda farxadeed ee caawa ay tahay mid ay inbadan sugaysay waxaana kamida ahaa hadaladedii “walaalayaal waxaan u baahanahay isbadal dahab ah maaha inla yidhaahdo waxaan ubaahanahay isbadal afka laga yidhaahdo oo kaliya ee waa inaa la dhabeeyaa waxaan kale oo aan si farxad ku dheehan tahay u soo dhawaynayaa garabka haweenka Beelaha Habar Cafaan ee kasoo go ay xisbiga udub kuna soobiiray kulmiye waxaan leeyahay xisbigu waa kiinii kaad katimaadeena waakiini macnaheeduna tahay waa isu mid waxaana muhim ah in lawada ogaado waxa hadba dalka udan ah walaalayaal.
Intaasi kadib ayaa intii lagu guda jiray munaasibada lagu soo bandhigay dhextaal ciyaaraha hida iyo dhaqanka ee sayliciga ah
Gaba gabadiina waxaa ka hadashay Marwo Raxma X.Muxumed Suldaan oo ah marwada Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka xisbiga kulmiye Eng.Saylici waxaanay ugu baaqday dhamaan taageeraha xusbiga kulmiye kuwa hada soogalaya iyo kuwa kusii jirayba inay ubaahan tahay inloo wada tafa xayto isbadal dhab ah.
Waxaana ka mid ahaa hadaladeedii “marka la leeyahay waxaa loo baahan yahay isbadal maaha inlabadali doono cidgaara maaha in labadalo qabiil gaara maaha in labadali shakhsiyaad gaara.
ee waxaa labadali waxa ay dadwaynuhu ay ubaahdaan in labadalo kaliya maaha in lagu dabaqo inlabadali doono xubnaha korkuxusan