Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
Xadhig iyo Car Juuq dheh Dalka Xal ma u Yihiin
Posted: 9/4/2009 10:08:00 AM
Baadiye: JAMHUURIYA

Xadhig iyo Car Juuq dheh Dalka Xal ma u Yihiin

Hoggaamiyayaasha kali talista ah ee wakhtigoodu sii dhammaanayo waxa lagu yaqaanaa in shacbiga ay xukumaan kula kacaan hadidaad iyo caga juglayn, iyaga oo u adeegsanaya ciidammada loogu talo galay inay dalka ka illaaliyaan cadawga dibada kaga soo duula.

Ujeeddada ugu muhiimsan ama ugu weyn ee ay talaabooyinkaa uga danleeyihiina waa inay aamuusiiyaan kacdoonka dadweynuhu kaga soo horjeedaan awood maroorsiga qaawan ee lagu aasayo hannaanka dimuqraadiyadeed, hay’addaha sharcidejineed ee sida xorta ah lagu soo doorto iyo xoriyatul-qawlka shacbigu u soo halgameen ee sida dhibta badan ku heleen.

Hoggaamiyayaasha inta badan astaamahaa lagu yaqaanay ee ku haligmay waxa ka mid ahaa kelidii taliyihii macangaga ahaa Maxamed Siyaad Barre (Afweyne) oo ahaa macallinkii soo tababaray qaar badan oo ka mid ah ragga hormuudka u ah maamulka madaxweyne Rayaale ee ka taliya Somaliland, kuwaasi oo la habdhaqan ah macallinkoodii weynaa ee ay jaamacadiisii maamul ka soo wada aflaxeen.

Madaxweyne Rayaale oo ka mid ahaa ragga ka soo aflaxay Jaamacadii Siyaad Barre, islamarkaana ka mid ahaa sarraakiishii NSS-ta ee magaalooyinka Berbera iyo Burco madaxda ka soo noqday, isaga oo waliba ka mid ahaa raggii maamulkii Siyaad Bare u daacada ahaa ilaa saacadihii u dambeeyey ee ay mujaahidiintii SNM dalka ka sifeeyeen, ayaa si nasiib iyo qadar Alle ah waxa uu madaxweyne uga noqday Somaliland, isaga oo kursiga ku yimi codka dadweynaha.

Balse waxa nasiib darro weyn noqotay in madaxweynuhu sidii shacabku ugu lisay aanu ugu hambayn, waxaanu durba iska rogay haragii ku dhaqanka dimuqraadiyada, isaga oo la soo baxay shaadh kelitalisnimo, waxaanu shacabkii soo doortay kula kacay falal axmaqnimo ah oo isugu jira cagga juglayn, cabudhin, xadhig joogto ah iyo car juuq dheh, kadib markii uu dareemay in dadku iska soo taageen maamulkiisa fadhiidka ah ee ku salaysan wax qabad la’aanta iyo kelitalisnimada qaawan ee uu hadda la soo mudh baxay.

Waxa wax laga naxo ah in Madaxweynaha oo adeegsanaya cudud ciidan iyo Saqadhi Dubad oo xabsiyada dalka ka buuxiyo dad rayid ah oo ay ku jiraan hooyooyin umul ah oo guryahooda lagala soo baxay, iyada oo lagaga aar gudanayo mudaharaado ka dhacay meelo kala duwan oo dalka ah, kuwaasi oo lagu muujinayo sida dadku uga soo horjeedaan xad gudubyada madaxweyne Rayaale kula kacay shuruucda dalka iyo hay’adihii sharci dejinta dalka oo uu ugu horreeyo Golaha Wakiilada shacbiga masuulka ka ah.

Meelaha xad gudubyada lagula kacay waxa ka mid ah degmada Wajaale oo lagu xidhxidhay dad tiradoodu aad u badan tahay oo xalay ilaa habeen hore magaalada laga qabqabtay, kuwaasi oo markii saldhigii Wajaale buux dhaafay loo soo dhaadhiciyey dhinaca Gabiley, xad gudubyadana waxay ka dambeeyeen kadib markii kacdoon lagala hor yimi xaflada UDUB-aysan oo wasiiro Ina Raayale madiidin u ahi isku dayeen inay Wajaale ku qabtaan.

Hargeysa, ayaa iyadana lagu xidhxidhay dad badan oo si salmi ah uga qaybgalay mudahaaraad ay kaga soo horjeedaan faro galinta qaawan ee madaxweyne Rayaale kula kacay golaha wakiilada, iyada oo dadkaasi loo adeegsaday rasaas ay si axmaqnimo ah boolisku ugu fureen, arrintaasi oo dad badan xoog uga cadhaysiisay, isla markaana soo xasuusisay tacadiyadii uu dadka kula kici jiray Siyaad Bare, magaalada Laascaanood, ayaa iyana lagu xidhxidhay dad kale oo aad u badan, kuwaasi oo ka qayb galay isu soo baxyadii xisbiyada mucaaridku ka dhigeen dalka.

Xadhiga iyo tacadiyada uu madaxweyne Rayaale beryahan dambe la soo baxay si uu ugu cabudhiyo dadka, ayaan xal u noqon karin soo celinta sumcadii uu dadka ku dhex lahaa, basle waxay sii hurinaysaa kacdoonada dadweynuhu kaga soo horjeedaan maamulkisa, islamarkaana ay ku dalbanayaan in la helo isbedel siyaasadeed oo dalka ku yimaada.

Waxaana hubaal ah, hadii maamulka Rayaale sida uu hada yahay ku sii socdo inuu dambarsan doono waxa uu dhitaysto, isaga oo ku dambayn doona halkii ay nareen hoggaamiyayaashii keli taliska ahaa ee ku amar ku taaglayn jiray dalal badan oo ku yaal qaaradda Afrika



Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival