Baadiye: HARGEYSA
| com; rashidnur@hotmail.com; dhambaalnews@yahoo.com; harowo.com (ahmedsheikh@verizon.net); maalmahanews@hotmail.com; waheen001@hotmail.com; lughayaweb@gmail.com; ismailhm@hotmail.com; webmaster@djiboutination.com; salaanmuctasim@hotmail.com; adamjibril@hotmail.co; mohali127@hotmail.com; cleopatrafarah583@hotmail.com; qaasin05@hotmail.com; somalilandpress@gmail.com; jmgurey@gmail.com; ayaan_ashour@yahoo.co.uk; webmaster@longlivesomaliland.com; admin@somalilandedu.com; dube066@hotmail.com |
|
|
AWRKAYGA RIDAY ROONAANA RABBAA OG
Awrkayga riday roonaana rabbaa og , waa odhaah ay isku maaweelisay ruux dumara oo reer guuraa ah oo sida laga dhadhansan karo dulucda odhaahdeedan kelidaa jir ahayd , wakhti kaliila oo la hayaamayo la iska dhega mariyay amin uu awrkeedii rarkii u saarraa riday oo ay filaysay in la gacan qabto oo aan laga tagin , laakiinse dheg jalaq loo siin waayay kedibna odhaahdaa isku madadaalisay samadana laga aqbalayoo reerihii kabta ka illadayee u joojin waayay uu col aanay filaynini galay oo dad iyo duunyaba galalafay .
Aniguse waxan uga jeedaa amma uga golleeyahay meexaana carashada xaaladda siyaasadeed ee Somaliland baryahanba ka oognayd nacab iyo shisheeye fara badani waxay isugu sheekeeyaan inay tahay baraarshishigii dimuqraadiyadda curdinka ahee dalkaa saboolka ah ee aan weli cidina aqoonsan , nabaddii yaraydee ay ku naalloonayeenna inay halkaa ku afkuxuublaysay .
Waxana mala awaalkaa sii kaabay , deedanka siyaasiyiinta Somaliland mucaarid iyo muxaafidba ee ay dhaayahoodu hayaan oo qudha kursiga madaxweynenimada iyo madaxweyne ku xigeenkiisa ee aanay danta guudba u muuqan meel kalese u miil caddahay .
Arrintaasi waxad mooddaa inay gebi ahaanba meesha ka saartay qaabkii distuuriga ahaayee ay bulsha weynta Somaliland u faadhumaysanayeen ama ay u barteen ee ahayd in awooda fulineed ee dalka iyo awoodaha kelee hay adaha distuuriga ahee dalka , loola kala wareego qaab cod kalsooni ah lagaga helo umadda , iyo doorasho xor ah .
Waxadse mooddaa runtu raga ma dishee way ka nixisaaye , in akhristoow ay siyaasiyiinteennu taa ka doorbideen inay ku gadhaan labada kursi ee madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa qaab kale ,iyo wadda dhibiiq kale , ama ha noqoto muddo kordhin mugdi ku jiro ama ha noqoto adeegsiga iyo ka faaiidaysiga aqlabiyad golaha ay mucaaridku ku leeyihiin golaha sharci dajinta dalka oo u adeegsadaan inay kalsoonida kaga xayuubiyaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka .
Labada arrimoodbaa farbaa ku godan oo umaddu way u jeeddaa inaan daacad laga ahayn oo dadweynaha uun lagu jiha wareerinayo .
Hadaba su aashu waxay tahay hay adahan qaranee laacdamayaa miyay ka aamin baxeen kalsoonidii ay ku qabeen bulsha weynta reer Somaliland , maxaa looga meermeerayaa in kursiga cod lagula kala wareego umadana laga daayo madax faradkan ay arintani ku keentay dadka .
Maxaa siyaasiyiinteenna ka indha tiray indhaha wiirsigu ka muuqdo ee ay nacab iyo shisheeyuhu kusoo eegayaan dalkan iyo dadkan kusoo caana maalay in wada hadal lagu dhammeeyo muranka siyaasiyiinta ama bulshada kaleba ka dhex aloosma laguna kala baxo codka iyo kalsoonida dadka , halka ay assaageen ku kala baxaan is muquunin iyo qori caaradii , ninkase arintaa u boholyoobay ee qas iyo qalalaase rabaa miyuu jaarkeenna koonfureed u diga rogto , oo uu siyaasaddan dalka ee uu lugta ku walaaqayo dadka iyo dalka ka daayo halkaasay ciyaarta noocuu raba ka duqaysantahaye .
Miyay moogyihiin siyaasiyiinteennu in aan ninnaba bulshadu ka oggolaan Karin inuu himilada iyo masiirkaa iftiimaya uu muran iyo mugdi galiyo .
Maxay ugu joogsan laayihiin waayeelka iyo waxgaradka umaddan ee isku xilqaamay dhexdhexaadinta iyo xal u helidda muranka siyaasadeed ee ku qottoma kursi kala riixasho ka indha la dantii guudee umadda inteeda kale .
Qofka inuu hankiisu siiyo inuu mayalka umaddan hantaa waa xaq uu muwaadin kastaa leeyahay oo aan muran ku jirin , waxase habboon inuu qofku u maro jidka umaddan u jeexan ee ku qeexan distuurka qabyada ahee dalkan u yaalla .
Ninbaa laga hayay isaxaaqa maan diidine xaaqda danbaan diiday waxay ila tahay inay siyaasiyiinteennu fahmaan inaan umaddu diidanayn loolanka arrinkeenkeeda iyo siyaasiyiinteeda waxase aanay umadu si dhib yar ku liqi karayn qarkan iyo buurtan ay jafayaan maanta siyaasiyiintii dalku mucaarid iyo muxaafidba iyo middi middi ka horgeedan ay kaga go antahay uun kolba muddo u kordhin aan loo wanqalin iyo xil iyo kalsooni ka xayuubin sanbuuse laga eedaamay ah oo siyaasadaysan oo aan maanta loo fadhiyin .
Iskusoo wada duuboo nin geelissi intiisii badnayd u rinataybaa laga hayay , hal daba la oo geela ku jirtay oo uu kala saari waayay inay rintay iyo in kale, ayaa wuxuu yidhi
: daba laay ama gooji ama ha goojin geela sannadka rimaybaan kugu tirinayaa , hadaba guntii iyo geba gebadii , kiinna og iyo kiinna moogba, ama heshiiya ama ha heshiinina umaddu waxay idiinka fadhidaa waad daaliseene inuu idiin cuntamo sadka ad ku heshaan cod iyo kalsooni ad umadda ka heshaan oo lagula kala wareego xilkan adu wada tafa xaydantihiin ee ah kursiga madaxweynenimo iyo ku xigeenkiisa iyo xilalka kale distuuriga ahe kaleba .
Waa Maxamuud Sheikh Cabdillaahi Maaray Oo idin leh
Ilaahaybaa mahad iyo maamuusba iska leh .
Email: mxmud-gabyaye@hotmail.com