|
Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman
|
|
Posted:
1/23/2010 3:47:00 PM
|
Baadiye: FAALLLO
magaalada
hargaysa waa magaalo madaxda somaliland,waana magaalo aad u balaadhan,
bilic ahaanna waa magaalo aad u Qurux badan, waxa malinba malinta ka
danbaysa sii kordhaya horomarka ay gadhay. Hargaysa waxay
leedahay dhismayaal aad uqurux badan , saro dhaadheer iyo weliba
Hudheelo aad u waawayn oo tiro badan, Hudheelada caalamiga ah
ee xafladaha iyo shirarka lagu qabsado ee maalin walba hargaysa laga
dillaacinayo ama laga furayo ayaa qiyaas ahaan gaadhay 50 hudheel,
hargaysa waxad dareemi kartaa siday ahayd wixii ka horaysay 1991, iyadoo
gabi haanba Burbursanayd Hargaysi, lakin waxa haddana berigaas burburka
la wadaagayay dhamaan Gobolada Dalka, inkastoo Hargaysa ay ahayd tii
ugu darnayd xagga Burburka, sababtoo ah waxay ahayd bartilmaameedka
wadan ka somaliland ,iyadoo imminkana marka aad dhex mushaaxayso
Hargaysa aad arkayso dhismayaal aad u casriya oo aad u qurux badan oo
indha haagaa aad u soo jiidanaya.
Hadaba waxaa nasiib darada
hadda jirtaa ay tahay markaad soo dhexmarto Waddooyinka Magaalada
Hargaysa dhex mara waxad arkaysaa oo indhahaagu qabanayaan wadooyinka
halbowlaha ah ee Hargaysa oo aad u burbursan, dhinaca kale waxaa iyaduna
wax lala yaabo oo laga argagaxo ah laga bilaabo Dawlada hoose ilaa
Madaxtooyada horteeda waxa loo adeegsaday goobo qashin qub, waxaanad
arkaysaa hareeraha wadada oo qashin tiro badan la dhigay cid ka qaadaana
aanay jirin, qashinkaas oo si ula kac ah loogu daadiyo melahaas iyo
meelo kale oo muhim ah, iyana waxa wax laga sii yax yaxo ah suuqyada
Hargaysa oo isku bedalay kudaafad xashiish, waxaanad arkaysaa cuntada
iyo qashinka oo is dhexyaala. Waxana taasi u muuqataa mid ay gabeen ama
dayaceen dadweynihii reer hargaysi, iyadoo ay ilowsanyihiinba ama aanay
garawsanaynba xilkii ka saarnaa hagajinta bilicda caasimada. Sidoo
kale waxaa iyaguna gabay hawshii iyo xilkii ka saarnaa Bilicda
caasimadda Dawalada hoose oo iyadu ku shaqo leh hawlaha hagaajinta iyo
Bilicda waddooyinka, waxaana jirtay xilli 2 illaa 3 sano laga joogo oo
dhmmaan jidadka magaalada ay ku dhex beernaayeen dhir aad u fara badan
oo qurux badan isla markaasna dadku ay ku indho doogsan jireen, oo qofka
caasimadda yimaada keliya uu daawan jiray jidadka magaalada iyo dhirta
ku dhex beeran iyo ishaaraadka kala hagaya baabuurta ooo ad ugu fara
badan caasimadda.waxa imminka dadku ay daawadaan oo keliya isla
markaasna indhaha la raacaan mar walbana ay isku dayaan inay bookhdaan
hudheelada waawayn ee caalamiga ee shacabka iyo ganacsatadu ay ka
samaysteen magaalada iyo saraha dhaadheer ee ka dhex taagan caasimadda. Hadaba
Dawladda Hose waxay wareejisay xilkii ay shacabku u Doorteen iyadoo ku
wareejisay shirkado ay leeyihiin cid gar ahi,
hadaba waxan kula
talin lahaa shacabka iyo Dawlada hoose inay iska kaashadaan sidii ay uga
wada shaqayn lahayeen hagajinta caasimda somaliland ee Hargaysa,Dawlada
hoosena waa inay samaysaa barmamij siyaasadeed oo ay ku horumarinayso
haagajinta Bilicda caasimada waa inay samayso maalmo khaas ah oo ay ugu
magac darto malinta olalaha Nadaafada, oo lagu samaynayo wakhtiyo aad
isugu dhow sida wiigiba hal mar ama wiigiba 2 jeer, waxan kaloo kula
talinayaa inay ku bilawdo ardayda iskuulada ,jamacadaha, Dadwaynaha
Xaafadaha iyo waliba madaxda Dawladda . oo aan loo kala hadhin, iyadoo
malintaasina noqonaysa malintkhamiista iyo jimcaha oo shaqooyinka
dhamaantood iyo wax barashaduba aya yar yihiin ama aanay jirinba.
waxan
ku soo gabagabayn lahaa haddii Tujaartii iyo Ganacsatadii magaalada
foooqaq la daawado ka taageen, meelo lagu nafiso oo meelaha caalamka oo
kale ahna sameeyeen, maxaa dawladda u diiday waddo loo maqsuudo oo
waddooyinka caalamka la tartanta, waxaana leeyahay bilicda casimada oo
hagaagtaa waa horumarka waddanka.
Qalinkii Hodo
A\rahman yousuf Hargaisa somaliland Email; hoodocabdi@hotmail.com
Windows Live: Keep your friends
up to date with what you do online.
|
|
|
|