Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
gudoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha guurita sheekh nuuxfure oo ku dhawaaqay in uu is casilayo
Posted: 1/30/2010 7:45:00 PM
Baadiye: HARGEYSA

Gudoomiye ku xigeenkii 1aad ee Golaha guurtida Somaliland Sheekh Axmed Sheekh Nuuxfure ayaa manta ku dhawaaqay inuu iska caislay jagadii ku xigeenimada ee gudoomiyaha 2aad ee golaha guurita.

 

Sidaana waxa uu ku sheegay qoraala oo uu u gudibiyey gudoomiyaha golaha guurtida Md Saleebaan Maxamuud Aadan[Saleebaan gaal] wararku waxay intaasi ku darayaan inay arinta  is caislaadda gudoomiye kuxigeenka 2aadi ka dambaysay kadib markii ay indhawaala ahba soo baxayeen khilaasaad siyaasadeed oo u dhexeeyey isaga [sheikh fure] iyo gudoomiyaha gudihoosaadka joogtada ah ee golahaasi Cabdilaahi Ibraahim Xirsi [dhugad]

 

Khiflkaasi horay uga dhex dilaacay labadaasi oday waxa uu sababay inuu muran dheeri ka dhasho golaha odayaasha guurtida dhexdooda xili uu waliba gudoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan safar uga maqnaa dalka dibadiisa.

 

Si kastaba ha ahaatee waxa uu dhawaan dalka kusoo laabtay gudoomiyaha golaha guurtidu iyada oo uu wali  khilaafkaasi ka dhex taaganyahay mudanayaasha goalaha guurtida.waxaanay shirgudoon ahaan ku gudajireen maalmihii lasoo dhaafay shirar ay lahaayeen xubnaha uguy sareeya ee golahaasi si ay u damiyaan khilaaka u dhexeeya odayada.

 

Ilaa iyo haddana iyada oo aan wali la sheegin wax heshiis ah oo ay ka gaadheen shirgudoonka golaha guurtidu khilaafkoodaasi ayuu maanta gudoomiye ku xigeenka 2aad ee golahaasi sheekh Axmed nuux soo saaray qoraala oo uu ku sheegay inuu doonayo inuu xilka iska casilo kadib waxyar uun markii uu furmay shirka goluhu sidii caadada ahayd waxaa hallkaasi ka hadlay gudoomiyaha golaha guurtida waxaanu sheegay inuu dalka katagay golaha oo aanay wax khilaaf ahi u dhaxayn oo nabada balse uu soo laabtay iyada oo uu khilaaf badani meesha yaalo.

 

“waxaan idinka tagay goloaha oo nabada oo aanu wax khilaaf ahi u dhaxayn balse waxaan soolaabtay iyada oo laleeyahay waxaajira khilaafaad u dhexeeya shir gudoonka inkastoo aanan anigu ogeyn wax khilaafa oo noo dhexeeya hadii aanu nahay shirgudoonka”sidaa waxaa yidhi gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.

 

Waxaanu intaasi sii raaciyey “ waxaad ku heshiiseen inu goluhu sii shaqeeyo wixii khilaafaad ah ee u dhexeeya shirgudoonkuna ay igu kawada hadlaan marka uu gudoomiyuhu [isga] soo laabto aniguna sidaasaan idinku waafaqay goluhna wuu shaqaynayaa  ajandihiina waakan”

 

Intaasi kadib madkii uu yidhi ayuu cod baahiyaha ku wareejiyey ku xigeenkiisa sheikh Axmed Nuux dabadeed markii laga dhowrayey inuu hadlo si uu halkaa uga yidhaado hadalo ku aadan munaasibaddaasi ayuu aamusay dabadeedna isla daqiiqadihiiba iyada oo aanay wax badaniklasoo wareegin aamuska odaygaasi ayuu soo galay madasha will uu dhalay sheikh Axmed Nuux oo sida warqad dabadeedna waxa uu u dhiibay gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.

 

Markii uu arkay gudoomiyuhu waxa waxa ku qoran warqadaasi oo ah inuu dalbanayo is casilaad ayuu gudoomiyaha golaha guurtidu yidhi “waxaa  inagusoo kordhay arin cusub oo aynaan filayne goluhu wuu inoo xidhanyahay maanta”

 

Sidaa ayaana maanta lagu xidhay golahaiyado oo aanay ka wada hadin wax kale.balse waxaa lagu wadaa inuu bari fadhigii golahaasi gudogalo doodda ajandaha cusub ee ay kagahowl galayaan shaqadooda u taalla.

 

Dhanka kale waxaa durba soo baxaya warar sheegaya inay mudanyaal kale kaambeyn ugy jiraan siday \usoo buuxuin lahaayeen jagadaasi waxaanay wararku intaa ku darayaan inay xubnaasi kamid yihiin Muxumed Awaxmed,Xaaji Cabdiwaraabe,Suldaan Isaamciil Suldaan Cabdiraxmaan,Oday gacan iyo kuwo kale.

 

Sikastaba ha ahaatee waxaa is casilaadda gudoomiye ku xigeenka 2aad la horkeeni doonaa golaha maalinta barii ah balse lama oga inay ka aqbalidoonaan is casilaadaasi iyo inkale.

 

Wixii warara ee arrimahaasi kazoo kordha kalasoco shabakadda wararka ee baadiyenews.com haduu eebe idmo.



Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival