Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
Dowladda Eriteriya oo midawga ka codsatay inay joojiyaan soo hadal qaadkeeda shirarkooda uga socda Addis abab
Posted: 1/31/2010 5:04:00 PM
Baadiye: W/SHABEELE

Asmara, 31-Jan-2010 - Dowlada dalka Eriteriya ayaa qoraal ay soo saartay ku weydiisatay ururka Midowga Afrika in faraha laga qaado, isla markaana magaceeda iyo wax iyada ku saabsan aanan lagu soo qaadin shirarka ka dhaca xarunta ururkan ee magaalada Addis Ababa.

Eriteriya ayaa codsigeeda waxey sabab uga dhigtay labo qodob oo kala ahaa: inay Itoobiya wali ka heysto dhul, taasoo ay sheegtay inay ka hor imaneyso hashiiskii Algiers ee labada dal, iyo inay Itoobiya ka hortaagan tahay xaqa ay u leedahay ka qeybgalkeeda shirarka xarunta ururka ee Addis Ababa.

Dowladaha Eriteriya iyo Itoobiya ayaa foodda isdaray intii u dhaxeysay 1998-2000, iyadoo labada dhan ay kala dileen kumanaan askari. Dagaalkaas ayaa ka bilaawday tuulada Badme oo ku taal xuduudda labada dal. Tuuladan oo hadda ku jirta gacanta dowladda Itoobiya ayey Maxkamadda Aduunka u go'aamisay dalka Eriteriya.

Eriteriya ayaa bishii December ee sanadki tagay wuxuu Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay saaray cuna-qabateyn adag, taasoo aad uga careysiisay xukumadda Issayas Afwerki. Madaxweyne Afwerki ayaa diplomacy ahaan dalalka gobolka iyo caalamka intiisa badan ka go'an.



Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival