Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
madaxweynaha Dowladda Kililka 5aad oo ka gaabsaday la hadalka warbaahintaAfka Somaliga ku waxkuqora
Posted: 2/1/2010 3:38:00 PM
Baadiye: WABISHABEELE

Jigjiga, 01-Feb-2010 - Waxaa tan iyo maalintii xilka madaxweynenimo loo dhiibay mudane Daa'uud Maxamed Cali daba-socday warbaahinta ku baxda Af-Soomaaliga, oo ay ugu horeeyaan laamaha BBC-da iyo VOA-da, iyagoo illaa hadda ku guuleysan la' inay ka hadalsiiyaan Daa'uud.

Sida ay Wabishabeele u sheegeen illo aad ugu dhaw dhaw madaxtooyada dowlad deegaanka, madaxweyne Daa'uud ayaa ku cayaara qolyan warbaahinta marka ay soo wacaan telephonekiisa, isagoo marna isaga dhiga qof kale, marna si toos ah ugu dhaho "waryaada shaqo ayaan ku jirnaa hadal waqti uma heyno."

Laamaha Af-Soomaaliga ee BBC-da iyo VOA-da ayaa waqti badan galiyey isku daygooda inay ka hadalsiiyaan Daa'uud, iyadoo ay ugu danbeysay maalmihii xafladdi xoola dhaqatada Itoobiya oo lagu qabtay magaalada Jigjiga, taasoo uu ka soo qeybgalay ra'isulwasaare Meles Zenawi. Sida ay illaheena inoo sheegeen, Daa'uud ayaa markey telephoneka ku soo celceliyeen dhowr jeer, marki danbe telephoneka ka xirtay.

Madaxweynihii hore ee deegaanka, mudane Cabdullahi Xasan (Lugbuur) ayaa aad uga dhex muuqan jiray warbaahinta caalamka, isagoo lagu xasuusto erayadii ay kamidka ahaayeen "rooti iyo biyo raadis ayaan ku jirnaa."

Ma cadda sababta Daa'uud loogu kari la' yahay inuu la hadlo warbaahinta. Waxaase jira masuuliyiin aaminsan la hadalka warbaahinta inuu dhib uga iman karo, iyadoo hadalladooda si kale loo dhigayo, hadalkaas oo la keeni karo shirarka qiimeynta.



Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival